Dowladda Norway Oo Sharciyada Kala Noqotay Qoxooti Soomaaliyeed Oo Ku Nool Waddankeeda

0
45

Oslo:(Hubaal)-Tiro Muwaaddiniin Soomaaliyeed ah oo Dalka Norway galay sannadihii 1990-kii illaa 2000, ayey Xukuumadda Norway  si Rasmi ah ugala laabatay Sharciyadii degenaashaha dalkeeda, iyadoo kuwo kalena loo diiday inay mar kale u cusbooneysiiso sharciyadii ay ku deggenaayeen Waddankeeda.

Xukuumadda Norway, ayaa sheegtay in Tallaabadan ay qayb ka tahay Qorshayaasha ay ku Xakameyso Qul-qulka Qoxootiga Faraha badan ee Waddankeeda galaya, Kuwaas oo isugu jira muwaadiniin ka kala yimid Waddamada Afrika iyo Aasiya.baasaboor

Sidoo kale, Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Sharciyada lagala laabtay, ayaa la sheegay in Daba-gal lagu sameeyay barahooda Facebook-ga, sawirada ay geliyaan iyo magacyadooda, iyadoo qaarkood lagu eedeeyay inay haystaan sharciyo dalal ku yaalla Afrika oo aan ahayn Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka dalka Norway, ayaa Warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay ogaatay in Boqollaal Ruux oo Soomaali sheegtay aanay u dhalan Soomaaliya, Waxayna xustay inay yimaadeen dalal ay ka mid tahay Jabuuti iyo kuwo kale oo daris la ah Somalia.

Dowladda Norway ayaa Xustay in kala bar Qoxootiga haysta dhalashada dalkeeda ay sidoo kale haystaan dhalashooyinka dalal kale, kuwaasoo qaar ka mid ah loo diiday in sharciyada ay haystaan loo cusboonaysiiyo.

Wargeyska Klassekampen oo kasoo baxa Dalka Norway, ayaa baahiyay in ruux Soomaali ah oo lagu magacaabo, Mahad Abiib Maxamuud oo Dalka Norway tagay Sannadkii 2000, isagoo 14-jir ah, lagu amaray inuu Norway isaga baxo illaa 20-ka bishan May ee lagu jiro.

“Innagoo Tix-gelinayna Warbixinnada ku saabsan Qaabka uu Mahad kusoo galay Norway, xifadddiisa dhanka luuqadda iyo wareysiyo aan la yeelannay qoyskiisa iyo xaaskiisii, ayaa waxay dhammaantood muujinayaa inuu ka yimid Dalka Jabuuti, uuna si weyn ugu xidhnaa, sida; Dirista Lacagaha, Xidhiidhada Taleefoonada iyo Weliba Internet-ka,” ayuu yidhi Madaxa Waaxda Socdaalka Norway, Georg Magne.

Ugu dambeyn, Waxaa la sheegay in Soomaaliya aanay xilligan lahayn hab ay ku diiwaan-geliso Muwaaddiniinteeda, sidaas daraadeedna aanay waaxda sharciyada ee Dalka Norway aanay siin doonin araajida ay wax kusoo codsadaan dadka Soomaali inay yihiin sharciyada miisaankii ay hore u siin jireen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here