Degaanka lagu dagaalamay ayaa koonfur bari kaga beegan laascaanood 70KM
Laascaanood(Hubaal) – Badhasaabka gobolka Sool, Yaasiin Maxamed Shide, ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland soo galeen xuduudka Somaliland islamarkaana Beelo wada degan mid ahaan taageereen, halkaasna shalay lagu gumaado Beel reer Somaliland ah.
Badhasaabka oo Laascaanood kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Ciidan Somaliland u dirtay ku wajahan yihiin halkaasi. Dagaalka shalay ayaa la sheegay inay ku dhinteen inka badan 20 qof.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qaranka Somaliland ka xun yahay dhibaatada Puntland ka gaysatay gudaha Somaliland. Waxa uu sheegay inay fool xumo tahay ciidanka Puntland ee soo gurmaday inuu laayo dad shacab ah oo reer Somaliland ah.