Addis ababa(Hubaal)- Shirweynaha 11-aad ee Isbahaysiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya, ayaa maanta dib ugu doortay Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed inuu sii ahaado Guddoomiyaha xisbal-xaakimka.
Siday faafisay Fana News, waxa kaloo shirweynahan dib loogu doortay Guddoomiye ku-xigeenka EPRDF Demeke Mekonnen oo ah Raiisul-wasaare ku-xigeenka dalkaas.
Warku wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ay u coddeeyeen inuu noqdo Guddoomiyaha Isbahaysiga EPRDF 176 xubnood oo ka mid ah 177 ergay oo shirweynahan oo maanta la soo gabogabeeyey codkooda ka dhiibanayey.
EPRDF ayaa Guddoomiye xisbal-xaakimka iyo Raiisul-wasaaraha dalkaas u doortay Abiy Axmed bishii March ee sannadkan, ka dib markii uu iscasilay Guddoomiyihii hore Hailemariam Desalegn. Waxaanu Mr.Abiy ka hirgalayey Itoobiya isbeddelo waaweyn oo dhinaca siyaasadda ah.