“ Nin Jiif/Caaqil ahaa Ayaa Laga Hayaa ‘Aniga Xoogga Xariirad Xamar Iiga Wanaagsan’, Markaa Aniguna Waxaan Leeyahay…”
“Waxaanu Ka Mid Noqonay Kooxda Lagu Bilaabay Tijaabada Indho-adayga Si Fiican Ayaana Loogu Guulaysta Ee Md. Madaxweyne Adiga & Dawladaadu Naga Taageera Shuruudaha Qalbi-adayga”
Boorama (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda Caafimaadka ee JSL Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyey in xukuumadiisu ay ka hawl gasho sidii dalka looga hir gelin lahaa waxbarashada jaamacadeed ee shahaadada sare ee Phd-da. Dr. Xuseen xoog waxa uu sheegay in loo baahan yahay sidii bahda tacliinta looga kabi lahaa suurto galinta waxbarashadaas oo uu ku tilmaamay mid qalbi adayg u baahan in lagu bilaabo.
Wasiirkii hore ee caafimaadka oo khudbad ka jeediyey fagaare uu Madaxweyne Siilaanyo goob joog ka ahaa oo ay ku qalin jebinayeen dufcaddii u horeysay ee arday dalka gudihiisa ku diyaarisa shahaada labaad ee jaamacadda {Post Graduate}, kuwaas oo qayb ka ahaa dufcaddii 14aad ee dabayaaqadii toddobaadkii hore ka qalinjiebisay jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama, waxa uu ka sheekeeyey sooyaalka taariikheed ee jaamacada Camuud iyo qaabkii hoggaanka jaamacaddu ku bilaabay shahaadadaas. Dr. Xuseen Xoog oo isaga laftiisu kamid ahaa ardaydii digriiga labaad ee dhakhtarnimada ka diyaarisay jaamacada Cammuud ayaa ka sheekeeyey dhacdo uu madaxweynuhuna goob joog ka ahaa oo ka turjumaysa dhiirigelinta waxbarshada, “Xilligan immika aynu joogno ee aynu munaasibadan [qalinjebinta] u fadhino, waqtigeedii bilowgii oo ay saddex sannadood ka soo wareegtay ayaa halkan prof. Saleebaan [Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud] kaga dhawaaqay in ay bilaabayaan degriiga labaad [Master] ee jaamacada. Waxaan filayaa madaxweynuhuna inuu joogay, aniguna waqtigaa mas’uul qaran oo wasiirka caafimaadka ah anigoo ahaa aan joogay/ professor-ku wuxuu kasoo sheekeeyey tacliintii ay Camuud oo ah jaamacaddii ugu horeysay ee wadanka Somaliland yeeshaa ay guud ahaanba ku bilaabantay, wuxuuna innoo sheegay in ay waqti adag iyo indho adayg ay ku bilaabeen, wuxuuna sharrax gaar ah innaga siiyey indha adayga ay ku bilaabeen sida uu ahaa, wuxuu yidhi adiga oo wax aad haysaa aanu jirin inaad wax bilowdo ayaa indho adayg la yidhaahdaa, halka jaamacadihii dembe ee la furay ay qalbi adayg ku bilaabeen”. Sidaas ayuu yidhi Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), waxaanu intaa ku daray “Prof. Saleebaan qalbi adaygaasna waxa uu ku sharraxay adigoo waxoogaa isla haya inaad wax bilowdo. Waana aynu aragnaa oo maanta waxa qalinjebinaya dufcaddii afar iyo tobnaad, indho adaygii lagu bilaabayna waxa uu dhalay in uu guulaysto, waana ilaahay mahadii. Runtii aniga iyo gabdhaha iyo ragga halkan fadhiya ee maanta qalin jebinayaa waxa bilownay inaanu ka mid noqono kooxda tijaabada indho adaygaa lagu bilaabo, alxamdullilaah si fiican ayaana loogu guulaystay. Run ahaanna guddoomiyaha Jaamacadda iyo kooxdiiisana aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa dhiiranaanta intaas lee gee ay sameeyeen”. Dr. Xuseen Xoog, waxa uu sidoo kale ka hadlay kaftan dhex maray isaga iyo prof. Saleebaan kaas oo ku suntan in indho adaygaas la sii wado, waxaana uu yidhi “beri dhawayd oo aanu is aragnay aniga iyo prof. Saleebaan waxaan ku idhi dee aynu indho adayga aynu shahaadada PhD-dana ku darno, dabadeedna waxa uu I yidhi taas waxa aynu ku bilaabi doonaa qalbi adayg, iyada oo qalbi adayga ay qeexidiisuna ay ahayd in wax la isu urursado, dee markaa Madaxweyne Adiga iyo dawladdaada bal shuruudaha qalbi adayga si aanu u buuxino naga taageera bilaabista PhD-da” sidaas ayuu yidhi Digtoorku isaga oo sheegay in wax la barbar dhigaa aanay jirin qofka oo dalkiisa ka hela waxbarasho dhamaystiran “runtii gurigaaga oo aad degriiga koowaad iyo digriiga labaad ku diyaarisaa aan wax loo dhigaa jirin adduunka, taasna waxaa garanayaa qofka u xidhxidhay waxbarashada ee dibad ugu baxay ee wadan aanu diin ahaan, dhaqan ahaan iyo af ahaan midna aanu la wadaagin wax ku soo bartay, kaas baa maanta qiyaasi kara qiimaha dalku leeyahay”. Wasiirkii hore ee caafimaadku waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey qaabka ay waxbarashada Jaamacadda u dhigan jireen iyo qaybaha ay ka koobnaayeen ardaydoodu, “qoladaydan Post Graduate Study-ga baranayay aniga iyo dhawr qof oo Hargeysa ka yimaada ayaa ugu fogayn oo inta kalena xaafadahan [Boorame] ayay ka soo kallahayeen, aniguna khamiista intaan soo shaqeeyo gelinka dembe soo carraabi jiray oo khamiista iyo jimcaha ayaan wax dhigan jiray, taas ayaana aanu guul ku gaadhnay oo indha adaygaa uu prof. saleebaan sameeyey aanu ku wadnay.” Ayuu yidhi Dr. Xoog, waxaanu sheegay in waxbarashada ay qaateen ay la mid tahay ta lagu barto jaamacadaha caalamka ku yaalla, waxaana isaga oo ku hal qabsanaya waayeel reer Xariirad ah uu yidhi “ Mida kale jaamacadaha magacyada faraha badan ee dibadaha ku yaalla ee faana ee la majeerto waxba umaanu ogayn oo waxa ay barteenba waanu baranay. Alla ha u naxariistee nin jiif caaqil ahaa oo odayga Xariirad ahaa ayaa waxa uu yidhi oo laga reebay ‘aniga Xoogga Xariirad Xamar iiga Wanaagsan….’, markaa aniga Jaamacadda Camuud Havard iiiga wanaagsan” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo intii uu khudbadda waday martidu jiibta iyo sacabka u raacinaysay hadalkiisa.