Wasiir Sacad Oo Weji Farxadi Ka Muuqato Ku Saxeexay Heshiiskan, Bulshadana u Akhriyey Waxa Berbera La Dhaafsaday
“Waxa Aynu Dawladda Imaaraadka Siinay Saldhig Militeri Oo Aynu Ku Beddelanay Mashaariic Horumarineed Oo Ay U Weyn Tahay Berbera Corridor Iyo Madaar Labaad Oo La Heli Doono” Madaxweyne Ku Xigeenka
Dubai:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ugu dambayn si rasmi ah u kala saxeexday heshiis uu dalka Imaaraadku saldhig militeri kaga samaysanayo madaarka Berbera, kaas oo ay Somaliland ku beddelatay tiro mashaarcii horumarineed ah. Waftigii Ballaadhnaa ee xukuumadda ka socday oo uu hoggaaminayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, isla markaana ay xubno ka ahaayeen wasiirrada wasaaradda Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga, Duulista Hawada, Hawlaha guud, wasiir-ku-xigeenka madaxtooyada iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ugu dambayn si ramsi ah u saxeexay heshiiska lala galay dalka Imaaraadka Carabta iyaga oo ku sugan magaalada Dubai, waxana halkaas lagu faahfaahiyey nuxurka qoddobada uu heshiisku ka kooban yahay. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo heshiiskan gacantiisa ku saxeexay ayaa warbaahinta u faahfaahiyey qoddobo Toddoba ah oo uu heshiiskani ka kooban yahay, kuwaas oo ay hoos Imanayaan kuwo kale oo dhammaantood dhinaca horumarinta iyo is-kaashiga labada dhinac u badan. Qoddobada uu wasiir Sacad akhriyey oo u badan dheefta ay Somaliland ka heli doonto heshiiska, ayuu ku sheegay in Berbera laga hirgelin doono madaar caalami ah oo aan ahayn midka haatan dhisan, isla markaana la dhisi doono waddada isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Wagaale oo muhiimad weyn u leh qaranka Somaliland.
Qoddobada Toddobada ah ee uu wasiirku akhriyey, ayaa waxa ay kala yihiin sidatan:
- Dawladda Somaliland oo oggolaansho siisay in ciidamada Isu Tagga Imaaraadku Carabtu Isticmaalaan Madaarka Diyaaradaha ee Berbera
- Dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta oo magaalada Berbera ka dhisi doonta madaar cusub magaalada Berbera, kaas oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulku, taas oo macnaheedu yahay inay Berberi yeelan doonto laba madaar, jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Tog-wajaale oo dhererkiisu yahay 250Km, ayaa isaguna kamid ah mashaariicda la fulin doono, mashaariicda kale ee la fulin doono waxa kamid ah caafimaadka iyo Biyaha, tamarta iyo waxbarashada, waxana mashaariicdaas la fulin doonaa saddexda sanadood ee soo socda.
- Dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta oo suuqyadeeda shaqo u furi doonta muwaadiniinta reer Somaliland.
- Dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta oo taageeri doonta shirkadaha maalgashiga ee Imaaraadku inay maalgashadaan Somaliland.
- Dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo dawladda Somaliland oo iska kaashan doona dhinaca ammaanka.
- Waxa uu heshiiskani albaabo cusub u furi doonaa Somaliland iyo beesha caalamka.
- Waxa la isla gartay in dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabtu gargaar degdeg ah gaafhsiiso dadka ku tabaaloobay abaaraha.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo markii uu heshiiku dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay Somaliland saldhigga ku beddelaay mashaariic horumarineed oo waxtar leh, waxana uu yidhi, “Waxa aynu dawladda Imaaraadka siinay saldhig Militeri oo aynu ku beddelanay mashaariic horumarineed oo ay u weyn tahay Berbera Corridore iyo madaar labaad oo la heli doono.” Waa markii ugu horraysay ee bulshada loosoo bandhigo qoddobada heshiiska lala galay Imaaraadka Carabtu uu ka koobnaan doono, waxana xusid mudan inay jiraan qoddobo-hoosaadyo heshiiska ku jira oo aan weli bulshada loo bandhigin oo u badan dhinaca difaaca iyo koru qaadista tayada ciidamada Somaliland oo si weyn muhiim ah ugu ah qaranka Somaliland.