Hargeysa, (Hubaal)- Xarunta Dhiirigelinta ee Tudhaale Motivational Center, ayaa markii ugu horraysay waxa ka qalinjabiyay arday gaadhaysa 24 arday.
Munaasibadda qalinjabinta oo ka dhacday Hoolka xarunta dhalinyaradda ee Sonyo, waxa ka qaybgalay, lataliyaha arrimaha dibadda ee Gudoomiye Cirro Faadumo Siciid, Agaasimaha Telefishinka Horn Cable Tv Maxamed Cabdi Ilig iyo masuuliyiin kale.
Ugu horayn waxa xaflada furay oo ka hadlay maamulaha machadka Cabdisamad Maxamuud Maxamed oo isna wax ka taataabtay aasaaska iyo ujeedada uu u taaganyahay machadku.“Machadka Tudhaale waxa uu u furanyahay tayaynta iyo taabo galinta dhallinyaradeena, waxaanu siinay tababaro kala duwan oo ay ku hanan karaan nafahooda iyo bulshadoodaba.” Ayuu yidhi maamulaha Machadka tudhaale
Sidoo kale, marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in Macadka Tudhaale Motivational Center yahay macadkii ugu horreeyay ee laga furo Hargeysa “Machadka Tudhaale Motivational Center waa machad soo saaray dhalinyaradda quruxda badan ee sida fiican ee kalsoon u tebinaya ama ugu dhiirinaya inay noloshooda wax ka bedelaan, waa machad markii aan arkay sida uu ardayda tababarka dhiirigelinta ah u bixinayo aan aad ugu mabsuuday. Waxaanan rejanaya in aan macadka soo booqado oo aan ka jeediyo lectures. Waxaan leeyahay machadkan oo kale kama jiro hargeysa ee waa machadkii ugu horreeyay ee laga hirgaliyo Hargaysa ee caynadiisa ah, oo uu aasaasay Xamse oo ay dhalinyaradu ugu yeedheen saaxiibka guusha, waxaa leeyahay dhalinyarada qalinjabisay waa in aad idinkuna aad samaysan isbedel la taaban karo oo aad ka midho-dhalisaan waxyaabihii aad machadka ka barateen.”Ayay tidhi marwo Faadumo Siciid
Dhinaca kale , Agaasimaha Telefishinka Horn Cable Tv “Machadkan Tudhaale waa machad ku cusub indhaha bulshadda iyo dhegaha dadweynaha, waa machad intii aan halkan fadhiyay aan aad ugu bogay sida fiican ee dhalinyaradu u soo jeediyaan waxyaabihii ay halka ka barteen ee ay ugu dhiiranayaan in bulashadda ay wax ka bedelan, sidoo kalena ay iyagu noloshada wax uga bedelaan. Marka waxaan leeyahay dhalinyaraddan qalinjabisay xirfadda aad barateen uga faa’iideeya bulshadiinna.”Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Ilig.
Ugu danbayntii waxa xaflada soo xidhay aasaasaha machadkan mudane Xamse Siciid Maxamed “Ugu horayn waxa mahad iska leh Illaahay kaas oo noo suurto galiyay inaanu hawshan culus ee aanu dhabarka u ridanay ku guulaysano, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa dhammaan martida nagala soo qaybgashay xafladan qiimaha leh, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda ka qalinjabisay machadkan kuwaas oo aanu hubno inay isbadal fiican ka gaysan doonaan horumarinta nafahooda iyo bulshada inteeda kaleba.” Ayuu yidhi Mudane Xamse Siciid Maxamed.
Waxa sidoo kale halkaa lagu soo bandhigay baadhitaano (Research) kala duwan oo ay sameeyeen intii ay ku jireen tababarkan qaar ka mid ah ardayda qalinjabinaysay.
Machadkan ayaa la aas-aasay bishii sagaalaad saddexdeedii sannadkan aynu ku jirno waana machadkii ugu horreeyay ee ee noociisa ah kaas oo bixiya tababaro kala duwan oo ah horumarinta iyo tayayanta shaqisyada qofka oo ay ka mid yihiin Public speaking, Psychology, Personal skills iyo Interpersonal skills.
Xidhitaankii munaasibadda waxa halkaa shahaadooyin ku gudoonsiisay Marwo Faadumo Siciid 24-kii arday ee ka qalinjabiyey machadkan.