“Dugsiga Boodhinka Ah Maaha Mid Dad Koobani wadi Karaan Ee Dawlad Uun Baa Wadi Karta Hase Ahaatee…”

0
47

Khadar Aw Xirsi Askar

Hargaysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Guddiga gacanta ku haysa Dugsiga Boodhinka ah ee degmada Balli-mataan oo ka tirsan gobolka Hargeysa Khadar Aw Xirsi Askar, ayaa faah-faahin ka bixiyay Ujeedooyinkii loo aas-aasay Dugsiga iyo tiradda Ardayda haatan wax-ka-barata. Md. Khadar Aw Xirsi Askar,ayaa sheegay in Dugsiga dhidibadda loo taagay sanadku markii uu ahaa 2003-dii, iyaga oo ka jawaabaya Baahiya la deriska ah reer Guuraga iyo Xoolo-dhaqata ah. KHADAR“Boodhinka Balli-mataan Xiligii La aas-aasay waxay ahayd Sanadkii 203-dii.Sababaha loo aas-aasanay waxay ahayd siday ogsoonahay Dadkeenu waa dad reer miyihi ah, suurtagal-na maaha runtii inay Wax-barasho joogta ah helaan, maadama ay kolba halkii uu roobku ka da’ayo u guurayaan, markaas Fikirka ah in Boodhin loo sameeyo ayaa yimid si  ay Dadkaas reer Miyiga ahi uga faa’iidaystaan oo laga reebo Ardayda. Mar la-weydiiyay Tiradda Ardayda haatan wax-ka-barata Iskuulka,ayaa waxa uu sheegay Mr. Khadar Aw Xirsi Askar “ Tiradda haatan ku jirtaa waa 132 (Boqol iyo Labbo iyo soddon) hablo iyo Inamo-ba wey iskugu jiraan,Heerka School-kuna waa Fasalka 7-aad,waxaana loogu talo-gaay in ilaa Dugsiga dhexe ay halkaas ku dhemaystaan”. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Cidda ka gacan-siisa Qarash lagama maarmaanka u ah socod-siinta hawlha Iskuulka,waxaana uu sheegay inay Teegeeradda ugu badan ka helaan dadka Deegaanka u dhashay, Wasaaradda Waxbarshadda Iyo Haay’adda cuntadda Aduunka ee WFP “Boodhan, Dawladd uunbaa wadi karta. hawl ay Shaqsiyaad ama dad koobani wadi karaan maaha, waa Hubaal taasi. Hase-yeeshe kollay Dadka deegaanka kasoo jeeda iyo waxii khayrka Jecel meel kasta oo ay joogaanba wey ka qeyb qaataan,Laf-dhabartana waxa ah dadka deegaanka kasoo jeeda oon qeyb weyn bay ka qaataan.Wasaaradda Waxbarshadda ayaa iyaduna waxay Gunyooyin siiyaan Macalimiinta iyo Agabkii Kale ee Waxbarashadda.Waxa kale oo ay Wasaaraddu naga gacan-siisaa dhinaca Manhajka Waxbarashadda,waxa kale oo dhicana Raashinka naga gacan-siisa  Haay’adda Cunadda Aduunka ee WFP”.

Ugu danbayntii Gudoomiye Khadar waxa uu ka hadlay Higsiga iyo Hammiga Mustaqbal dhaw ee ay rabaan inay Iskuulka gaadhsiiyaan “Higsigayaga Haddii aanu ka warano,inkasta oo ay adagtahay sida Iskuul Boodhin ah loo waddo oo runtii uu culays fara badani jiro oo ay hawlihii Dawlaha ay yihiin,hase-yeeshee haddana Higsigayagu waxa weeyaan inuu Dugsi sare uu noqdo haddii ALLAH idmo 2017-ka oo Arday ka baxaa uu Jaamacadd uun uu Magaaladda u Yimaado”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here