Wasaaradda Waxbarashada Oo Digniin U Dirtay Iskuullo Ay Sheegtay In Ay Samaysteen Habdhaqan Lid Ku Ah waxbarashada afarta sanno ee dugsiyada sare
Hargeysa (Hubaal)- Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL ayaa maalintii shalay digniin u dirtay dugsiyada sare ee sanad-dugsiyeedka waxbarashada ku soo kooba saddexda sanno halkii ay hore u ahayd afar sanno. Agaasimaha dugsiyada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Muuse Maxamed shide iyo kormeerka guud ee wasaarada waxbarashada Xasan Cabdillaahi Rooble ayaa shir jaraaid oo ay maalintii shalay ku qabteen xarunta wasaaraddaasi waxaa ay digniin ugu direen dugsiyada gaarka loo leeyahay gaar ahaanna dugsiyada ku dhaqma in ardayda ay fasallada saddexaad ee waxbarashada dugsiyada sare ugu soo koobaan tacliintii afarta sanno ahayd iyaga oo ku qalin jebiya saddex sanno. Agaasimaha dugsiyada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada Muuse Maxamed Shide oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay u dul qaadan Karin in dheelli ku yimaado waqtigii loogu talo galay in ardaydu ay ku dhamaystaan waxbarashada dugsiyada sare, sidaasi darteed ay wasaarad ahaan albaabada u laabi doonaan cid kasta oo lagu soo sheego in ay hab dhaqankaas ku dhaqaan dugsiyadooda. “Waxbarashada Somaliland waqtigii tirada loo baahnaa way soo dhaaftay, immika waxaanu raadinaynaa tayo iyo toosin, taasina waxay ku imanaysaa iyada oo tubta wasaaradda waxbarashadu kuqotonto la raaco, taas macnaheeduna waxaa weeye in maraaxilkii la soo mari jiray xagga waxbarashada ay Somaliland u qoran tahay saddex afraad oo kala ah afar sanno oo ah waxbarashada hoose, afar sanno oo ah waxbarashada dugsiga dhexe iyo afar sanno oo ah waxbarashada dugsiga sare”. Sidaas ayuuyidhi agaasimaha dugsiyada gaarka ah ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Maxamed muuse Shide, waxaanu intaa ku daray isaga oola hadlaya qolooyinuu sheegay in hadalhayntoodu badantahay “qolooyinka kale ee la hadal hayo ama la xamanayo ama waalidiintooduba ay doonayaan inay bedel u qaataan dugsiyo saddex sanno ku koobaya afartii sanno ee dugsiyada sare, waxaanu leennahay arrintaasi waa calaacashaas oo timo kasoo baxeen, wasaaradda waxbarashadana siyaasaddeeda kuma jirto saddex sanno, waxaan ka ahayn dugsiga farsamada, sidaasi darteed waxaanu uga digaynaa dugsiyada ku yaalla Somaliland ee bilaabay gees-ka-daaqa iyaga oo siyaasadii wasaaradda waxbarashada ka baydhay ee yidhaahda saddex sanno ayaanu waxbarashadii dugsiga sare ku dhigaynaa, waxaanu leennahay tallaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadi doonaa”. Ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Shide. Dhinaca kale kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Xasan Cabdillaahi Rooble ayaa isna iftiimiyey sida ay wasaaradda uga go’an tahay in ay kormeer xoogan ku samayn doonaan horaanta bishan dugsiyada dalka, isaga oo geesta kale farriin u diray jaamacadaha dalka “ waalidiinta iyo dadweynaha waxaanu ogaysiinaynaa intii aad hadhow calaacali lahayd ee ilmahaagu uu sidii kal hore ka hor shoobarayn lahaa wasaaradda waxbarashada waanu kuu digaynaa oo nin kuu digay kuma dilin baa la yidhaahdaa’e immikaba ubadkaaga ka adkow oo la soco mudada uu waxbarashada kudhamaysanayo oo ah 12 sannadood, cid aanu ka ogol nahay inay laangadhayso ama korobooto samaysana ma jirto”. Sidaas ayuu yidhi XAsan Cabdillaahi Rooble, kormeeraha guud ee wasaaradda waxbarashadu, waxaanu intaa kudaray “Jaamacadaha farriin baanu faraynaa, farriintaasi waxay tahay shahaadada aan soo marin xafiiska imtixaannaadka lama qaadan karo”. Ayuu ydihi kormeeruhu. ISku soo wada duuboo digniintan ay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashus oo saareen ayaa ka dambaysay kadib markii uu wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiisku ahna maamulaha/mulkiilaha dugsiga gaarka ah ee Aljasiira secondry School oo kamid ah dugsiyada ay wasaaraddu farta ku goday uu ku gacan saydhay go’aankii laga soo saaray ardaydii uu xafiiska kormeerka guud ee wasaaraddu sheegay inaanay soo marin jaranjarada sharciga ah ee waxbarashada, kuwaas oo laga saaray liiska waxbarasho ee dugsiyadaasi.