“Dadka Qaar Marka Ay Boodhka Arkaan Waa Ay Ka Cararaan, Kuwa Kalane Aagga Uu Ku Yaalo Maba Soo Maraan Cabsi Ay Ka Qabaan Geerida Awgeed.” Mulkiilaha Dukaanka If Iyo Aakhiro
Jig-jiga (Hubaal) Waxaa jira dukaan aanad waligaa arag noociisa oo kale oo laga furay magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.
Ma ahan dukaan aad badeecadiisa isticmaali kartid adiga oo nool, balse waa mid qof kasta oo dadka ka mid ah uu qirsanyahay in maalin uun uu u baahan doono.
Dukaanka waxaa lagu magacaabaa If iyo Aakhiro, waxaana iska leh haweenay lagu magacaabo Xaliimo Muxumed oo u warantay BBC-da “Annagu dharkii aakhiro ayaan meesha ku gadnaa, dad baa naggu yidhi hiddo iyo dhaqanka ku dara, kuma dari karo ayaan idhi, aakhiro iyo adduun isma garab galin karo ayaan idhi, waxaa naloogu soo hagaagayaa labiskii aakhiro”.
Dadka qaar marka ay boodhka arkaan waa ay ka cararaan, kuwa kalane aagga uu ku yaalo maba soo maraan cabsi ay ka qabaan geerida awgeed. Balse waxaa jira dad dukaankan soo dugaashada sida Xasan Sheekh Muxumed oo yidhi “If iyo Aakhiro ayaan hor joognaa, mana aanan arag hadda ka hor wax magacan ku qorta, dadkuna waa safar oo maalin kasta qof ayuu tigidhka u go’an yahay, — Aniga habeen iyo maalinba Illaahay agtiisa u dhowoow ayaan isleeyahay”. Waxaa jirta meherad shaah lagu iibiyo oo dukaanka ka ag dhow, gabadha lehna waxa ay sheegtay in dadka qaarkoodna ay shaaha ka iibsadaan, qaarna ay ka tagaan marka ay arkaan boorka dukaanka.
Waxyaabaha Dukaanka lagu iibiyo
Dukaanka waxaa lagu iibiyaa kafanta iyada oo cabirro kala duwan ah, kuwaas oo loo tolo hadba dalabka qofka iibsanaya, iyada oo lagu jaangoynayo dhererka meydka, iyo baaxadda jirkiisa, tusaale haddii uu ilmo yar yahay iyo haddii uu qof weynyahay, in uu dheeryahay iyo in uu gaabanyahay.
Waxaa kale oo lagu iibiyaa sheey gacmaha la gashto marka meydka la dhaqayo, iyo sidoo kale waxyaabaha lagu carfiyo meydka sida catarka, uursi iyo waliba fooxa. Waxaa jira sidoo kale kabo loogu talogalay in lala galo qolka meydka iyo koofiyado la xidho. Xigasho: BBC-Somali