Hargeya:(Hubaal)-Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay abaaraha baahsan eek a taagan deegaannada bariga Somaliland, waxana uu ku baaqay in dadka dhibtaasi haysato si degdeg ah loogu gurmado.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu bulshada Soomaamliyeed ugu baaqay inay geystaan gargaar dhinaca raashinka iyo biyaha ah, “waxan rabaa in dadka soomaalida ahi ay inay is gargaraan oo walaalahooda abaartu taabatay ay gargaaraan oo dhinaca biyo dhaaminta iyo dhinaca raashinkaba ay ka kaalmeeyaan, beesha caalamkana waxan ugu baaqayaa in gargaar degdeg ah lala soo gaadho dadkaas tabaalaysan”ayuu yidhi madaxweynuhu.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in la joogo wakhtigii dadkaas la caawin lahaa, isaga oo xusay in haddii haatan aan la caawin aanay hadhaw wixii la taraa waxba tari doonin, waxana uu yidhi,”Dadkaasi waxa ay joogaan wakhtigii farogelin degdeg ah lagu samayn lahaa ayey taagan yihiin,waxa ay si gaar ah abaartu u taabatay oo xoolihii intii badnayd dhaafeen dadkiina ay dhimasho bilaabeen waa Somaliland iyo Puntland, labada meeloodba wax aka jira culays xagga abaaraha oo aad iyo aad u badan, xagga biyo la’aanta iyo xagga raashin la’aanta ah.”
Farriin uu madaxweynuhu u dirayey beesha caalamka, ayaa waxa uu yidhi,“Caalamka waxanu ka codsanaynaa in arrintaas si degdeg ah loosoo faro geliyo”
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa noqonaya madaxweynihii labaad eek a hadla abaarta ka jirta gobollada bariga Somaliland, waxana ka horreeyey madaxweyne Siilaanyo oo isagu goor horeba qaylo-dhaan arrintan ka diray, waxana haatan Somaliland ka socota ololayaal lagu lacago loogu ururinayo dadka abaartu taabatay.