Dulucda Baaq Uu Soo Saaray Guddoomiyaha HRC Oo Ku Socda Dawladda Somaliland

0
29

 Hargeysa (Hubaal) – Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Banaan ee Human Right Center ayaa war qoraal ah oo ay shalay soo saartay baaq ugu dirtay xukuumadda Somaliland iyo laamaha kala duwan ee ammaanka, iyada oo ka codsatay in xorriyadoodii loo soo celiyo muwaadiniin xabsiga ugu jira aragtiyahooda. Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo ah guddoomiyaha xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland ee fadhigeedu yahay magaallada Hargeysa oo war saxaafadeedkan ku saxeexnaa ayaa sheegay in ay illaa haatan xabsiga ku jiraan  afar qof oo loo xidhay aragtiyo ay dhiibteen. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi Wargeyska Hubaal soo gaadhay shalay waxaa uu udhignaa isda oo dhamaystiran sidan: Egypt's Islamist former president Mohamed Morsi in court“Intii u dhexeeysay 6dii iyo 8dii June 2016, waxa magaaladda Hargeysa lagu xidhay afar qof oo kala ah Maxamed Sidiiq Dhame, Maxamuud Axmed, Nuuradiin Ibraahim iyo Maxamed Ducaale. Afartan qof waxa la xidhay kadib markii ay aragtidooda ka dhiibteen heshiis ay wada galeen Dawlada Somaliland iyo shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka CarabtA si ay u maamusho dekedda Berbera. Afarta qof oo uu ku jiro Maxamed Sidiiq Dhame oo ah af-hayeenka garabka dhalinyarada ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxay ku xidhan yihiin Saldhigga Dhexe ee Hargeisa. Waxa la soo xidhay kadib markii ay ka qayb qaateen shir saxaafadeed ka dhacay 5tii June 2016 Hoteelka Kaah kaas oo ay ku dhaliileen heshiiska. Sida ay ilo u sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka, waxa la xidhay iyada oo aanu jirin amar qabasho oo ka soo baxay Maxkamad kaas oo jideeyey xadhigooda. Falkaas oo ka soo horjeeda qodobka 25(2) ee dastuurka Somaliland. Waxa lagu eedeeyey “inay dadwaynaha ku kiciyeen inaanay sharciga adeecin”, sida uu qareenkoodu u sheegay Xarunta. Haddii lagu helo eedahaas waxay wajihi karaan todobo sanadood oo xadhig ah. Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaaday xorriyadda hadalka sida ku cad qodobka 32(1). Qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah Xuquuqal Aadanaha iyo qodobka 19aad ee Heshiiska Caalamiga ah Xuquuqaha Madani iyo Siyaasadeed waxaay damaanad qaadeen xorriyadda aragtida iyo cabiridda aragtida. Sida uu dhigayo qodobka 10(2) ee dastuurku, Somaliland waa inay raacdaa xeerka caalamiga ah islamarkaana waa inay ixtiraamtaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka walaacsan tahay dul qaad yarida aan loo dul lahayn dhaliilaha. Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay cabiraan aragtiyahood xitaa hadii ay ka soo horjeedo mawqifka dawladda. Xaruntu waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda si bilaa shuruud ah ugu soo celiso afarta qof ee xidhan islamarkaana inay la noqoto eedaha”. Ayaa lagu soo koobay warsaxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ee HRC Mr. Guulleed Axmed Jaamac (Dafac).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here