“Mas’uuliyiintan Waxa Horkacaayay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha , Isaga Oo…….”
Hargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda iyo masuuliyiinta Maxjaradda ka hawlgala dalka. Sidaasna waxa lagu sheegay xalay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyadu oo u dhignaa sidan “Masuuliyiintan iyo madaxdan waxa horkacaayay wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), isagoo warbixin ka siiyay madaxwaynaha ujeedada kulanka ay masuuliyiintani ugu yimaadeen madaxwaynaha, waxaana uu sheegay inay tahay, salaan iyo xog kala qaadasho, madaxwaynuhuna uu u cadeeyo mawqifka xukuumadda ee maxjarada iyo wixii kale ee dardaaran ah ee u soo jeedinayo masuuliyiinta. Intaa ka dib,waxa hadalka la wareegay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu si kooban u sharxay mawqifka xukuumadda ee maxjarada, isagoo cadeeyay in maxjaradu yihiin xarumo caafimaad oo loogu tallo galay in lagu daryeelo caafimaadka xoolaha oo ah lafdhabarka dhaqaalaha Dalka, isagoo carabka ku adkeeyay inaan loo baahnayn marnaba in isku eri iyo wax kala jiidasho ay ku dhacaan maxjaradu, madaxwaynaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “waan idin soo dhawaynayaa, anigoo idinka mahad naqaya kulankan salaanta ah ee aad iigu timaadeen”. Madaxwaynuhu waxa uu intaas uga gudbay hadal iskugu jiray xusuusin iyo amar ku saabsan mawqifka xukuumadda ee maxjarada dalka waxaana uu yidhi “waxaan idin xasuusinayaa in mawqifka xukuumaddu uu yahay, marka ay joogto dhinaca maxjarada, in maxjarada lagu dhaqayo heshiisyadii ay xukuumadda la galeen, wasaaradda xannaanada xooluhuna ay ku ilaaliso heshiiskaa, loona baahan yahay in sidoodii loogu dhaqmo, isagoo madaxwaynuhu amray wasaaradda xannaanada xoolaha in heshiisyadaas sidoodii ay u dhaqan galaan, maxjaraduna ay heshiiskaa ilaaliyaan, dawladuna ay ku ixtiraami doonto. Dhinacooda waxaa halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta maxjarada oo uu ka mid ahaa Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho), Calinuur Iyo Axmed Cali , Cabdilaahi Carab Ismaaciil, Yaasiin Xaaji Cabdi Cawad (Indho deero) kuwaasoo uga mahadnaqay Madaxweynaha qaabilaada uu ku qaabilay Xafiiskiisa, isla markaasna ballan qaaday inay u hogaansamayaan amarada dawlada iyo heshiisyada u dhexeeya xukuumadda iyo maxjarada.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.