Dalka Suudaan waxaa caan ka ah isticmaalka waxyaabaha dumarka jidhkooda ku caddeeyaan ama ay midabkooda ku dooriyaan, balse waxaa hadda aad usoo kordhaya in ay isticmaalaan kaniino lagu cayilo.
Dumarka dalka Suudaan waxa ay u arkaan in cayilnaanta tahay quruxda kama dambeysta ah ee qof dumar ah yeelan karo.
Suuqa Madoow
Si ka duwan dawooyinka lagu iibiyo farmashiyeyaasha ay joogaan shaqaalaha caafimaad ee tababaran, kaniinadan lagu cayilo ayaa waxa laga helaa dukaamada iyo macdaarada caadiga ah ee badeecooyinka kale lagu iibiyo.
Kaniinadan oo loo gado si tafaariiq ah, ayaa waxaa dadka loogu ridaa bacaha caadiga ah, mana jiro wax qoraal ah oo ka digaya halista uu yeelan karo oo dushiisa ku qoran.
Waxa ay kaniinada isugu jiraan kuwa fura cuntada, iyo xitaa kuwa caawiya hoormoonada korriinka jirka.
Waxa sidoo kale dawadani ay kordhisaa qaadashada biyaha, waxayna ugu dambeyn horseeddaa in qofka uu ka cayilo qaarka dambe iyo waliba wajiga.
Halis Caafimaad
Balse dawadan waxa ay dhalin kartaa halis caafimaad oo aad u badan, waxaana ka mid ah wadne xanuun, iyo waliba kilyo xanuun haddii aanan si nidaamsan loo qaadanin, sida uu sheegayo Dr. Salah Ibraahim oo ah madaxa ururka farmashiistayaasha Suudaan.
Waxa uu intaasi ku daray in haddii qofka jirkiisa uu kaniinka la qabsado, hadhoowna iska dhaafo qaadashadiisa, in xubbintii jirka ay shaqada joojineyso, taasina ay halis badan qofka naftiisa galin karto.
Quruxdii Geerida
Waxaa soo kordhaya dumarka da’da yar ee Suudaan ee u geeriyoonayana xanuunada wadnaha iyo kilyaha sababtuna ay tahay in ay joojiyeen qaadashada kaniinka si lama filaan ah.
“Dumarka waxa ay ka xishoonayaan in ay kaniinada ka iibsadaan farmashiyeyaasha, sababtoo ah waxa ay ka baqayaan in la ceebeysto, sidaasi darteed waxa ay ka iibsadaan dukaamada yaryar” ayay tiri gabadh ardayad ah oo Suudaan ku sugan.
Geerida waxa ay ku badantahay gabdhaha arooska galay maadaamaa bil ka hor inta aysan arooska galin ay aad u cunaan kaniinka si ay u cayilaan, arooska kadibna ay iska dhaafaan kaniinka.
Balse sidaasi oo ay tahay wali dhaqankan la’isku cayilanayo ayaa si xad dhaaf ah usii socda.
Kaniinka Shaaha Lagu Daro
Dhanka kale qaadashada kaniinada sharci darada ah ayaa aad ugu badan Suudaan oo bulshadu tahay mid dhawrsoon, sababtuna waxa ay tahay in dadka qamriga caba ama xashiishka ay urtooda isaga baabi’iyaan marka ay bulshada dhexgalayaan.
Dadka shaaha ku iibiya dariiqyada agtooda ayaa qofka ugu dara koobka shaaha ah kadib markii si dadban looga codsado.
Ardayda jaamacaha Khartuum ayaa si baahsan u iibsada kaniinka xanuun baabi’iyaha ah ee Tramadol loo yaqaano, kaasi qiimihiisu yahay $1.8 halkii xabbo.
Wacyigalinta
Dadaalada dadka looga wacyigalinayo halista dawadan ayaanan wali wax saamayn ah yeelanin, iyada oo Dr. Saalax Ibraahim uu dhawr jeer kasoo muuqdey taleefishinada Suudaan isaga oo dadka oga digaya halista kaniinkani leeyahay.
Jaamacadaha arday caafimaadka waxaa lagu baraa anshax dhaqameedka iyo siyaabaha wanaagsan ee sharciga waafaqsan ee dadka looga iibiyo dawooyinka.
Balse Suudaan oo mushaaka la siiyo dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka uu aad u yaryahay , waxaa aad u badan damaaciga in dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka kale ay suuqa madoow ku iibiyaan kaniinadan noocan ah ee macaashka laga helo.
Booliiska ayaa la tacaalaya sidii ay oga hortagi lahaayeen ka ganacsiga sharci darada ah ee dawadan, balse macaashka laga hela oo aad u badan awgiis, ayaa waxbo laga qaban la’yahay.
Inkasta oo Suudaan aysan ahayn dalka kaliya ee Afrika ee cayilnaanta dumarka ay qurux ka tahay, balse waa dal aad dumarka loogu amaano, looguna bogaadiyo cayilnaanta iyo caddaanka, waxaana tusaale u ah gabadha heesaaga ah ee lagu magacaabo Nada Algalaa.
Xigasho: bbc