Kacaankii Siyad Baree ayaa dumar marwooyina ka soo saari jiray guryaha oo ku odhan jiray xaafada soo bixi weyda waa la ganaaxayaa. Iminka halkii meel ka sii daran baynnu maraynaa inta dumarkii xaafada hoodii laga soo saaro ayaa lagu yidhaa u jawaaba raga madaxtooyada wax ka sheegay. Xukuumad sii dhacaysaa waxay miciinsataa ciyaal iyo dumar oo waxay ka dhigantay nin daad qaaday xunbo cuskay. Hees Mohamed Mooge qaadi jiray baa la odhan jiray waayeelka jaqafsaday waxana sameeyey Ahmed Suleiman Bide laxankana waxa saaray Ahmed Gacayte. Erayada waxa ka mid ahaa Jiradaha habeenkii wixii jiidha waagaa jeenigu xanuunaa. Dumarkan oo habeenkii madaxtooyada dhaanto iyo wadnahay dhag lee ka ciyaara ayaa sidaa ka dhigan oo subaxii jeenigu wada xanuunaa. waxa kale oo ka mid ahaa heestaa khalqigana badh baa jira intay ku hor jalweystaan cidla kugu jalwadhiyee. Waxa hor booda marwada madaxweynaha Amina Weris oo subaxiina cidla kaga dhaqaaqda. Horta dumarkani waa kuwa habeenkii ku caweeya madaxtooyada oo Amina Weris ka qosliya oo ilama aha inay ka yimaadaan guryo rag joogo sababtoo ah dee habeenkii kamay maqnaadeen gurya hooda. Waxay u eegyiin in ay qaarna carmal yihiin qaarna laga dhintay dabeedna ay iska noqdeen waayeelka jaqafsada.Waxay kula hadlayaan siyaasiga Aareeyena maaha wax dumar marwooyin ihi ku hadlaan. Uuma fiicna sumcada dumarkan iyo haday caruur leeyiin in ay TV yada soo fadhiistaan iyagoo weliba ku hadlaya afkii waagii Siyad Barre xaafadaha ay kaga hadli jireen guul wadayaashu oo ay rag u jawaabaan. Madaxtooyadu miyaan rag ba joogin ragga u jawaabaa. Beenaha qarnigana waxa ka mida gabadha tidhi Sahra Halgan SNM kumay biirin qorina mey qaadan. Yaa Salaam. Beeni raad male …. Youtube ka ayaa ka markhaati kacay waxay Sahra halgan ahayd iyo halgan keedii … Ha lagalo dagalaada …. Ha la bixiyo duunyada …. Sahra Halgan magaceeda ayaa cid walba ku filan. Gabadhu waxay tidhi anagaa dagaalka ku jiray… Sua’al: Hadaa maxaa lagu baran waayay sida Sahra Halgan.
Abdi Mustafe