“Meeshaan Hanaan Gobnimo iyo hadyad ka Eegaayay, Haf miyaan la idhi Xaydh sidaan Haan ku dhayanaayo”
Qalinkii: A.A.Ciidle
Waxay ahayd habeenimadii Khamiistu soo galaysay oo war naxdin iyo amakaag ku riday shacabka Soomaaliland kaas oo ahaa in askari beeleed ka tirsan ciidanka beesha Soola Madow uu si arxan daro ah rasaas ooda uga qaaday laba sarkaal oo sar-sare oo ka tirsanaa ciidamada qaranka Soomaaliland oo loo dilay arin uu galay askari beelaadkaa oo ahayd in laga fadhi kari waayay islamarkaan uu ku kacay arimo fool xun oo ahayd dhac shacab, iibin qoryo ciidanka qaranku lahaayeen oo markaa askarigaa aan waliba ahayn rigliga lagu soo dhex xidhay xero yar oo ay lahaayeen ciidamada qaranku.
Waxaanay wararka laga helayo ciidamada qaranku gaar ahaan jiida hore ay sheegayaan in askarigaasi oo ka xidhnaa lug iyo gacan isla mar ahaantaana dhex fadhiyay xero kumeel gaadh ahayd oo laga sameeyay goobtaasi.
waxaana ka qayb qaatay dadgaara oo la shaqeeyay ninkaasi dambiilaha ahaa oo laga furay goobtii isla mar ahaantaana laga caawiyay inuu baxsado isla mar ahaantaana lagu caawiyay qori iyo rasaas oo hab mu’aamaradaysan looga qayb qaatay dilka saraakiishii ugu saraysay ee xeradaasi.
Askarigan dhagerysani waxa uu si kal sooni ah madaxa uga toogtay labadii sarkaal ee ugu saraysay isla mar ahaantaana uu isaga oo laafyoonaya uga baxay dhinaca magaalada buuhoodle halkaasi oo lagu soo dhaweeyay fardo iyo damaashaad iyo mashxarad .
Waxaan falkaasi naxdinta leh ka hadal isla markaana aan uba arag inay waxdhaceenba ,inaga oo ogsoon in madaxwaynaha Soomaaliland uu wax uu ka adag yahay ee aanu iloobin ay tahay tacsida geerida ka dhacda qaaradaha ,aanu wax tacsi ah ku qaabilin geerida naxdinta leh ee ku dhacday ciidamadiisii oo labada sarkaal oo ka soo kala jeeda gobolada Awdal iyo Gabilay.
Hadaba aamus naanta bilaa tacsida ah ee madaxwayne siilaanyo uu ku qaabilay labadaas sarkaal waxay muujinaysaa uur-xumada uu u hayo dadwaynaha goboladaasi .
Waxaan isna uba arag in ay wax ku dhaceen ciidamadii uu ku dhaadanayay taliyaha ciidamada soomaaliland sareeyo guuto Ismaaciil Maxamad Shaqale oo aan tacsi iyo dhibaato midna u arag falkaasi.
Waa sax way naga dhaxaysay tacsi la’aantu Axmad Siilaanyo oo waayadanba ismaanu salaami jirin (Gobolka iyo Siilaanyo) se waxaan la yaabanahay aamuska Ismaaciil Shaqale!.
Runtii Labada sarkaal kumay dhiman dagaalada lagula jiro nabad diidka Soomaaliland ee waxaa dilay ciidan beeleed ilaaliya barkadaha beesha Axmad Siilaanyo waxaana la gudboon hadhaaga ciidamadii ay saamaysay dhimashadaas foosha xumi inay ka foojignaadaan dibindaabyada ay u gudboon yihiin labada deegaan ee ku murma barkadaha ee hadana ay ilaaliyaan ciidamada qaranku waana taariikho ku suntanaan doona siyaasadaha sheikh Axmad Siilaanyo.
Waxaan iyada shaki ku jirin inay ahayd mu’aamarad qarsoon oo ay soo maleegeen
Kooxaha khaatumo oo falkaasi kolka horaba looga shakisanaa in ninkaasi uu ku jiray maadama marka horeba looga shakisanaa inuu nabad diidka qoryaha u iibiyo.
Waxaanay arrintani bidhaaminaysaa in lagu dhex jiro markaad eegto sida balaadhan ee loogu soo dhaweeyay magaalada buuhoodle,
“Meeshaan hanaan gobnimo iyo hadyad ka eegaayay haf miyaan la idhi xaydh sidaan haan ku dhayanaayo” arrintan ayaa ka dhigan meeshaan tacsi iyo murugo ka eegaayay ee madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa habeenkii xalay oo dhan lagu kala qaadanayay gabaati inan uu dhalay madaxwayne siilaanyo waxaana goob walba lagu cunayay gabaatigaas.
Waa sax oo waan hanbalyaynaynaa reerkaasi cusub kamana qabo wax cudura laakiin waqtibaa ku beegmoo taasna la soo qaad .
Guntii iyo gabagabadii waxaa la gudboonaa madaxwayanaha inuu dadka la hadlo arintana loo sheego inay ahayd arin ciidan baadhisna la wado laakiin aamuska madaxda Soomaalilnd waxay shacabka labadaas Gobol ee Awdal iyo Gabilay u arkaan inay inamadoodaasi kulaalayaan laba daran dhexdood,waxaana la gudboon inay xaaladaha dalka lagu kala sarayssinayo ay indhaha ku hayaan.
Waxaan kaga baxayaa hadalkaygan “Arintaasi waxay u egtahay dumustii qarankayga iyo arooskii inantayda”.
Waxaan Alle uga baryayaa labadaas sarkaal inuu janadiisa ka waraabiyo oo uu qabriga u nuuro
Waxaan sidoo kale ka tacsiyadeenayaa umada Somaliland ee ay ka baxeen labadaasi sarkaal
Wa bilaahi Tawfiiq
Qalinkii AA CIIDLE HARGAYSA SOOMAALILND