Duqa Caasimada Hargeysa Iyo Marwada Madaxweynaha Oo Si Wadajir Ah U Dhagax-dhigay Xarun Lagu Daryeeli Doono Agoomaha

0
42

Hargeysa (Hubaal)waxa maanta la dhagax dhigay xarun loogu tala galay in lagu daryeelo isla markaana lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah .

Munaasibada lagu dhagax dhigayey xarunta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta caruurta agoonta oo lagu qabtay goobta laga dhisayo xaruntaasi oo ku taala Deegaanka Xeedho ee waqooyiga caasimada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay marwada madaxweynaha somaliland, Maayarka caasimada Hargeysa, madaxda hay’adda fulinaysa dhismaha xarunta ee Al Najax, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn waxa munaasibadan lagu dhagax dhigayey xarunta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta caruurta agoonta ah ka hadlday Sheekh Axmed

dhagaxdhiga xarunta agoomaha
Cabdisalaan Aadan)Axmed Iid), waxa uu sheegay inay xaruntan ka faa,iidaysan doonaan caruur badan oo agoon ah, isaga oo tilmaamay inay xaruntani tahay mid waxtar u leh dalka waxaanu yidhi “waxaanu ka war bixiyey dhismaha xarunta,waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Hadafka aynu iskugu nimid waxa weyee inaynu maanta dhagax dhigno mashruuc qiimo badan inoogu fadhiyo oo dadkeena, dalkeena iyo dawladeenana dan u ah, waana mashruuca xanaanada ama tix gelinta iyo daryeelka caruurta agoonta ah ee jilicda san, waana mashruuc ay maal gelinayso dawlada Kuwayt waxaana fulinaysa Hay’adda islaamiga ah ee Al Najax, mashruucana waxa loogu tala galay dhawr boqol oo agoomo ah lagu xareeyo oo lagu xanaaneeyo, waxbarashadooda iyo hoygoodana lagu daryeelo, lagana faa,iidaysto oo uu noqdo mid waxtar u soo kordhinaya bulshadeena, agoonta iyo waxtarkeedu diinteena qiimo weyn ayuu ku leeyahay.” Ayuu yidhi Sheekh Axmed Iid.

soltelco1
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, waxaanu u soo jeediyey dadweynaha inay iska gooyaan dhulka danta guud ah ee laga dhiso waxyaabaha ay dadku wadaagaan waxaanu yidhi “Dhulka danta guud ee ah ee xukuumadu ka goyso dhulka ay dadku leeyihiin waxa loogu tala galay in laga dhiso waxyaabaha danta guud ah sida dusgiyadii, garoomadii, sariibadihii, saldhigyada booliska, istaanadii basaska, dadweynahana waxaan leeyahay waa inaad bixisaan intii laydinku yidhi bixiya si loogu hir geliyo hawlahaasi, agoomaha inaynu aad ugu naxariisano weeyaan, waxaana imika socda mashruucii hore oo ay maal gelinayso dawlada Kuwait kaas oo laga dhisayo bariga magaalada Hargeysa.” Ayuu yidhi maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco.

marwo aamina weris
Marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde waxaanay sheegtay inay garab taagan yihiin wax u qabashada caruurta agoonta ah, waxaanay ka war bixisay waxyaalihii ay u qabteen xarumaha agoomaha ee dalka waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Isku sheegi mayno masuuliyada inaga saaran agoomaheena, waxaana sharaf iyo mudnaanba mudan culimada is urursatay ee ururka Najax ee saxiibadeena dawlada Kuwayt ka mid tahay galiyey dareenka inay caawimo ina siiyaan, dawlada Kuwaytna shacabkeeda, culimadeeda iyo masaajideeda oo aanu mashruucani ahayn kii ugu horeeyey ee ay inaga caawiyaan aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxaan qirayaa intii dawladani timid inaynu aad ugu soo jeedsanay xarumo badan oo agoomaha lagu xanaaneeyo,markii afar sano ka hor ay dawladani wadanka qabsatay wiig ka dib ayaan tagay xarunta agoomaha, waxaana ka muuqatay dayac aad u badan, waxyaalaha aanu u qabanayna waxa ugu muhiimsan inaanu sugnay dhulkii xarumta agoomaha.”ayey tidhi marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa iyo madax dhaqameed kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey dhismaha xarunta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta caruurta agoonta ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here