Hargeysa (Hubaal) Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa maanta xadhiga ka jaray sariibad laga hir geliyey xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.
Maayarka caasimada Hargeysa oo ay wehelinayeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay sariibadaasi ka kooban tahay, waxaanu sheegay inay golaha deegaanka caasimadu diyaar u yihiin inay hir geliyaan dhismayaasha sariibado badan.
Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ka hadlay munaasibada lagu furayey sariibadan ayaa waxa uu sheegay inay golaha deegaanka ee caasimada Ka go’an tahay inay hir geliyaan sariibado, waxaanu tilmaamay inay haatan gacanta ku hayaan dhismaha sariibado laga hir gelinayo caasimada waxaanu yidhi “waxaan idiin balan qaadayaa inaan dhisi doono sariibadan iyo
kuwa kale oo la mid ah, anaga oo imika gacanta ku hayna dhismaha sariibadaha Libaaxyada, Isha Boorame iyo Koodbuur,, haddii aanu dhul uga wayno sariibadaha meelaha ay dadku ku badan yihiin waxaanu u iibin doonaa dhul aanu ka dhisno, waanan ogahay dhibaatooyinka haysta hooyooyinka suuqyada ku ganacsada, waxaanan rajaynayaa inaan wax badan ka qaban doono wixii ay u baahan yihiin.” Ayuu yidhi maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey dhismaha sariibadan, waxaanu sheegay inay golaha deegaanka caasimadu diyaar u yihiin inay wax badan ka qabtaan adeegyada lagama maarmaanka ah ee dadku u baahan yihiin.
Dhinaca kale waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha xaafada Maxamed Mooge iyo gudoomiyaha Hiliblayaasha sariibada, waxaanay sheegeen inay soo dhawaynaynayaan dhismaha sariibadan iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka tari doonto baahiyahooda dhinaca ganacsiga.
Ugu danbayntiina maayarka caasimada Hargeysa iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka caasimada Hargeysa oo wehelinaya ayaa waxay kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay sariibadani