“Waxan leeyahay, Mudaharaadkaa Wixii Ka Yimaada Iyo Dhibaatada Halkaa Ka Dhacda Waxa Masuuliyadeeda Qaadaya Guddoomiyaha Xisbiga Waddani”
Hargaysa(Hubaal) Maayarka Magaalada Caaasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa sheegay in wixii ka yimaada masuuliyadeeda uu qaadi doono Mudaharaadka uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Ciro ugu baaqay in Taageerayaashiisu ay iskugu soo baxaan Maalinta bari ah Magaalada Hargaysa. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Hargaysa aanay u baahanan Mudaharaad iyo isku soo bax laga sameeyo,is la markaana aanay qaadi karin Dhibaatooyin laga abuuro Magaalada.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi; “Waxa nasoo gaadhay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Ciro uu Taageerayashiisa ugu baaqay in ay Taageerayaashiisa Hargaysa isku soo baxaan,waxa aanu leenahay anagoo qadarin u hayna Guddoomiyaha Waddani Magaalada Hargaysa waa Magaalo ganacsi oo dahab keeda lacagteedu suuqa yaalaan oo Ganacsigeedu xoog u socdo uma baahna isku soo bax iyo dhibaato.cidii doonaysa in ay samayso Mudahaar wado Sharci ayaa jirta oo ay u marto wixii waxa ka sakeeya anagoo ilaalinayna amaanka dadka Caasimada Ummaddadanyarta ahi ma qaadi karto Mudaharaad, wixii Mudaharaadkaa ka yimaada iyo dhibaatada halkaa ka dhacda waxa Masuuliyadeeda qaadaya Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa aanu leenahay Guddoomiye ka noqo Go,aankaa aad ku dhawaaqday Hargaysa uma baahna rabshad mana qaadi karto wixii Sharciga ka baxsana ee ka yimaada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,”.