Duqa Caasimadda Oo Maxkamadda Ka Dacweeyey Warshedleyda Biyaha Ee Cashuurta Diiddan

0
24

soltelco

Hargeysa:(Hubaal)-Duqa caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco),  ayaa markale difaacay cashuurta uu golihiisu kusoo rogay ururka warshedlayda dalka ee biyaha iyo sharaabka soo saara oo iyagu diiday inay bixiyaan, waxana uu meesha ka saaray inay cashuurtaas wax shaqo ah ku leeyihiin golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiye Soltelco oo warbaahinta shalay la hadlay, ayaa tilmaamay inay cashuurtaasi martay dhammaanba jaran-jarooyinkii looga baahnaa inay marto,“cashuurta aanu warshedaha biyaha kusoo rognay waa arrin nidaam sharci maraysa oo golaha deegaanku ansixiyeen, wasaaradda arrimaha guduhuna way kusoo saartay lifaaqii, baarlamaanna kama hadli karo, waana arrin sharci ah”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelco.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid waxa uu si cad u sheegay inuu maxkamadda ka dacweeyey ururka warshadaha dalka ee soo saara biyaha iyo sharaabka, waxana uu xusay inay gaadiidkoodu ku xannib naanayaan kaantarroolada ilaa iyo inta ay cashuurta oggolaanayaan, waxana uu yidhi,“nimankii cashuurta bixin waayey maxkamaddaanu geynay, maxkamaddaana dhammaantood looga yeedhi doonaa, baabuurtooduna way taagnaanayaan ilaa inta ay cashuurta bixinayaan.”

Waxa uu intaas ku daray inaanay warshaduhu waxba u noqonaynin lacagta cashuurta ah ee ay dawladda Hoose dul dhigtay,“nimankii waaweynaa ee reer Burco ee laso kallifay waxan leeyahay adeerrayaal cashuurtii aanu dalka ku dhisi lahayn ee aanu wax ku qaban lahayn baanu ka qaadaynaa, mana jirto warshed kun shilin oo Somaliland ah u kacaysaa”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Soltelco.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here