Duqayn Madaafiic Loo Adeegsaday Oo Lagu Miray Magaallada Beydhabo Iyo Al Shabaab Oo Sheegatay

0
62

MADFACBaydhabo (Hubaal) – Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku Geeriyoooday, 20 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii x habeenkii Sabtidu soo galaysay la duqeeyay xaafaddo ka Tirsan degmada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay ee dalka Soomaaliya.   Xaafadahan oo ay ku dhaqnaayeen dad rayid ahi ayaa Afarta ruux ee dhintay  Waxaa ku jiray ilmo yar;  iyagoo dhaawacyadiina la dhigay isbitaalka Beydhabo, iyadoo ay ku jiraan dad dhaawacoodu aad daran yihiin.  Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa Duqeyntii lagu qaaday xaafadaha ku yaalla Baydhaba ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan xarakada   Al-shabaab oo dagaallo kula jirta DF Soomaaliya iyo ciidanka caawiya ee AMISOM. Dhanka Kale, Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in Al-shabaab ay ku qaadeen weerar Magaalada Baydhaba, gaar ahaan Xarumaha Maamulka iyo saldhigyada Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha magaaladaas. Ma aha markii ugu Horreysay oo Xarakada Al-shabaab ay Weerarro ka geysato Baydhabo, inkastoo Xilliydii u dambeeyay uu Ammaanka Magaaladaas ahaan mid deggen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here