Duulimaadkii Ugu Horreeyay 41 Sano ee Muqdisho iyo Addis ababa

0
12

Muxuu Ka Dhigan Yahay Duullimaadka 41 Sano Ka Dib Ka Billowday Addis Ababa Iyo Muqdisho?

BBC-somali

Muqdisho (Hubaal) Markii ugu horreysay muddo ka badan 40 sano ayay diyaarad duullimaadkii ugu horreeyay ee ganacsi si toos ah uga sameysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho, arrintaas ayaana muujineysa sida uu u sii xoogeysanayo xiriirka dublomaasiyadeed ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Diyaarad si gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo National Airways ayaa 12:00 PM duhurnimo ee maalintii Sabtida ahayd oo ay taariikhdu ku beegneyd 13-kii bishan Oktoobar ka duushay garoonka caalamiga ah ee Bole ee magaalada Addis Ababa waxayna 1:45 PM ee duhurnimo ka dagtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha howlaha diyaaraddan oo laga leeyahay Itoobiya u qaabilsan dalka Soomaaliya Xuseen Cabdullaahi oo ku magac dheer Xuseen Xoosh ayaa BBC-da u sheegay iney usbuucii sameyn doonaan afar duullimaad oo isku xiraya caasimadaha Itoobiya iyo Soomaaliya. Xuseen Xoosh ayaa sheegay in ay hore u sameyn jireen duullimaadyo labada waddan u kala goosha, balse ay hadda tahay markii ugu horreysay ee ay tagaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. “Sannadkii 2007-dii ayaan duullimaadyadeenna ka dhex billownay Itoobiya iyo Soomaaliya, balse duullimaadka ganacsiga ayaan hadda ku guuleysannay inaan ku soo kordhinno waxaana noo suurta gashay inaan hir galinno duullimaadkaas taariikhiga ah” ayuu yidhi.

Muxuu labada waddan uga dhiganyahay duullimaadkan?

Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkan ka shaqeynayay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal. “Labada waddan waxaa ku kala nool dad walaalo ah oo had iyo jeer isu baahan, howlo ganacsi iyo kuwo shakhsina ay u dhexeeyaan” ayuu yidhi Xuseen Xoosh oo ka hadlayay saameynta uu shacabka ku leeyahay duullimaadkan. Dadka isaga kala goosha Soomaaliya iyo Itoobiya oo muddo 41 sano ah aan helin adeeg duullimaad oo si toos ah isugu xira magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho ayuu sheegay iney hadda si weyn ula dhaceen tallaabadan, ayna durba la qabsadeen.

Diyaaraddan ayaa safarro sii socod iyo soo socodba ah labada magaalo madax ka sameyn doonta maalmaha Isniinta, Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha.

8-dii bishii Agoosto ee sannadkan ayay diyaaraddan duullimaadkii ugu horeeyay ee ganacsi ka dhex sameysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Garoowe. “Muddo badan ayaan duulimaadyo khaas ah fulineynay. Inkastoo aan tagnay Garowe, waxaan qorsheyneynay inaan si toos ah u tagno caasimadda Muqdisho” ayuu yidhi Xuseen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan. “Waa arrin ay ku farxeen dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaana mahad ballaaran u jeedineynaa dhammaan dadkii ka qeyb qaatay dadaalka guushan lagu gaaray” ayuu yidhi isagoo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters. Abera Lemi oo ah milkiilaha shirkadda diyaaradaha National Airways ayaa isagoo ka hadlayay musaabadda lagu daah furayay howlgalkaas yidhi: “Waa maalin taariikhi ah, tallaabadan si fudud looma qaadin, dadaal dheer ayaan u soo galnay balse ugu dambeyn waan ka midho dhalinay”.

Masuuliyiinta Shirkadda ayaa sheegay in tani ay tahay horumar baaxad leh oo la gaaray isla markaana wax badan ku soo kordhineysa howlaha ganacsi iyo isu socodka labada waddan ee dariska ah.

Hore safarrada dhinaca hawada ee u dhexeeya caasimadaha Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa inta badan marin u ahayd magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Lama oga saameynta dhinaca ganacsi ee Kenya ka soo gaari karta duullimaadyada qaar ee hadda ay adeegyadooda bixin doonto diyaaradda sida tooska ah ugu kala goosheysa Addis Ababa iyo Muqdisho.

Isbaddallada ka dhacay Itoobiya

Dalka Itoobiya ayaa tan iyo badhtamihii sannadkan ku tallaabsaday isbaddallo la taaban karo oo ku saabsan dhinaca xiriirka dublomaasiyadeed ee waddamada dariska la ah. Bishii Luulyo ee sannadkan ayay diyaaradda Ethiopian Airlines duullimaadyadeedii dib uga billowday magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara.

In ka badan 20 sano, ma jirin duullimaad toos ah oo u kala gudbayay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, wixii ka dambeeyay markii uu dagaal qaraar dhex maray labada waddan, ka dibna uu isu baddalay dagaal qabow. Labada dal ayaa hadda sameystay hannaan nabadeed oo lagu soo af jarayo colaadda u dhexeysay. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa qaaday tallaabooyin isbaddal doon ah oo uu ku hagaajiyey cilaaqaadkii kala dhexeeyay waddamada dariska la ah. Abiy Axmed oo la doortay bishii Abriil ayaa magaalada Muqdisho booqasho ku tagay bishii Juun, halkaasoo uu heshiis lagu xoojinayo xidhiidhka Itoobiya iyo Soomaaliya kula saxeexday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here