Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol Oo Loo Magacaabay Maareeyaha Guud Ee Hay’adda Duulista Iyo Madaarada JSL

0
270

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u magacaabay Duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol inuu noqdo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Somaliland. sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday aqalka madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynahu, una dhignayd sidan;

 

“Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017                                    Taar:17 December, 2017

 

 

Wareegto Madaxweyne

 

 

Magacaabid

 

 

 

Markaan Arkay:          Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

 

 

Markaan Tixgeliyey:    Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

 

Markaan Arkay:          Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:    Wada-tashi;

 

Waxaan Go’aansaday;

 

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

          [

 

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

 

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here