Ehellada Dhibanne Shil Ku Galay Tuullada Agamsaha Oo Cabasho Ka Muujiyey Taliyaha Laanta TaraafigaJSL
Waxaa Ay Sheegeen In Aan Taraafigu Sifo Togan Uga Gar-niqin Laba Baabuur Oo Midi Tukhaan Yahay, Midna Waaraad Yahay Oo Toddobaadkan Isku Dhacay
Hargeysa (Hubaal) – Baadhitaanka Shil Baabuur oo dhawaan ka dhacay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Gabiley oo ay ku naf waayeen saddex qof iyo qof kalena uu ku dhaawacmay ayaa laanta nabad gelyada wadooyinka ee ciidammada booliska ku dhaliilay qaabka loo waajahay iyo natiijada kiiskan. Shilkan oo
Toddobaadkan ka dhacay tuullada Agamsahaoo ka tirsan gobolka Gabiley isla markaana uu sababaya kadib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo midkood Waaraad ahaa midka kalena uu aha baabuurta yaryar ee Tukhaanka loo yaqaanno halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof halka mid kamid ah dirawalladii labada baabuurna uu soo gaadhay dhawaac halis ah. Ehellada Dirawalkan Dhaawaca ah oo isagu wade ka ahaa gaadhiga tukhaanka ah ayaa cabasho kamuujiyey qaabka loo waajahay baadhitaanka shilkan oo ay sheegeen in aanu haba yaraaatee waafaqsanayn sharciga, waxaanay arrintaasi u sibir saareen taliyaha laanka nabadgalyada wadooyinka ahna afhayeenka ciidammada Booliska Gaashaanle sare Faysal Xiis, waxaanay sheegeen in Cabdixakiim Mowliid oo ah wadaha baabuurka Tukhaanka ah uu isaga oo dhaawac halis ahi uu ka soo gaadhay shilkan uu haatan ku xidhan yahay saldhiga Gabiley isaga oo aan haba yaraatee wax daawayn ah helin. Ehelladan oo xalay lasoo xidhiidhay wargeyska HUBAAL ayaa sheegay ay ucuntami weyday amar ay tibaaxeen in uu ka yimi taliyaha laanta Taraafiga kaasi oo oo ay ku doodeen in uu xorriyaddiisii u celiyey baabuurkii Waaraadka ahaa ee ay isku dhaceen tukhaanka iyo wadihiisiiba iyada oo aan haba yaraatee aan laga gar niqin shilkan iyo cidda khaladka lahayd toona. Dhibannahan dirawalka ah ayaa ay intaa ku dareen in loo diiday in uu helo daawayn caafimaad halka dirawalkii kale iyo baabuurkiisiiba ooda laga qaaday.
Waxaanay laamaha sare ee Ciidammada Booliska u direen baaq ay ku codsanayaan in arrintooda hoos loo eego oo wax laga qabto qaddiyadan. Dhinaca kale wargeyska HUBAAL oo xalay isku dayay in uu arrintan wax ka weydiiyo taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka Somaliland Gaashaannle sare Faysal Xiis Weerar ayaanay u suurto gelin inay helaan kadib markii uu qaadi waayay telefoonkiisa gacanta oo aanu ka wacnay.