“Ganacsatadeenu Maaha In Ay Noqdaan Qaar Cir-weyn Oo [Horseeda] Mid Dhergay Iyo Gaajoonaya In Ay Soo Baxaan”
“Arrintan oo kale Ma Aha In Sarrifleyaal La Eryado Oo Dadka Loo Hanjabo Ama La Yidhaahdo Dadka Xawaallada Keennayoow Intaas Bixiya, Ee [Xalkiisa] Waxaa Loogu Yeedhaa Dadka aqoonta U Leh Sarrif-bararka”
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID eng. Faysal Cali-waabe, ayaa si adag uga hadlay sixir-bararka xadhkaha goostay ee ka jira Somaliland, kaas oo si weyn u saameeyey nolosha dadka ku nool Somaliland, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay qaaddo tallaabooyin arrintaas wax lagaga qabanayo.
Guddoomiye Faysal oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ayaandarro ku tilmaamay inay xukuumaddu muujiso awood-darradeeda la xidhiidha wax-ka-qabashada arrimaha sixir-bararka, isagoo ka digay in bulshadu dabaqado kala fogaaday u kala baxdo, “Nasiibdarrada jirta inagu ma lihin siyaasad dhaqaale, suuqa furan ee aynu qaadanayna danteena ma aha aniguna hore Ayaan uga digay, mana aha inay ganacsatadeenu noqdaan qaar cirweyn oo laba mushatamac oo midkood dhergay iyo mid gaajoonayaa soo baxaan”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay jirin cid dhaqaalaha Somaliland maanta xukunta oo uu gacanta ugu jiraa, isagoo tilmaamay in cuntooyin wakhtigoodii dhammaaday si joogto ah dalka loosoo geliyo, waxana uu yidhi,“Dhaqaalaheenu faraha ayuu ka baxay cid xukuntaa ma jirto, waxa la inoo soo iibinayaa dawo dhacday, raashin dhacay, tayada cidi ma hubiso, qiimiha cidi ma hubiso suuqana cidi may kala xadaynin.”
Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in shilinkii Somaliland meesha ka baxay, isla-markaan dollar lagu beddelay oo ciddii wax iibsanaysaaba dollar wadato,“Waa nasiibdarro in dawladdu tidhaahdo sicir-bararkii faraha ayuu ka baxayoo ma qaban karno, lacagteenii ma soconayso oo dollar baynu isticmaalnaa, marka hudheel aad tagto iyo meelkastaba biilka dollar baa laguugu keenayaa. Ilaa isku filaansho cuntada gudaha ahna ka baxsan mayno sixir-bararka,”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiye Faysal waxa uu xukuumadda uga digay hanjabaado ay u dirtay sarriflayaal iyo ganacsatada xawaaladaha oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey shirar kula jirtay, waxana uu tilmaamay in baahi loo qabo in aqoonyahan dhaqaale arrinta loo xilsaaro,“arrintan oo kale waxa loogu yeedhaa dadka dhaqaalaha aqoonta u leh mana aha in sarriflayaal la eryado oo dadka loo hanjabo ama la yidhaahdo dadka xawaaladda keenayow intaas bixi.”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.