Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbgia Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Ka Dareen celiyey Iskudayo Fashil ku dhamaaday oo salka ku haya Muddo-kordhin loo samanayo Xukuumadda oo ay saddexda Xisbi isla meel dhigeen Wakhti ay heshiis ku yihiin.
Isku dayadaas oo fashil ku dhammaaday, kadib markuu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani dib uga gurtay, ayaa waxa si cadho leh uga Hadlay Guddoomiye Faysal CaliWaraabe, waxana uu sheegay inaan abidkeed la heli karin Hannaan suurtogelin kara in doorashooyinku wakhtigooda ku dhamaaadaan.
Guddoomiye Faysal waxa uu taageero u muujiyey Tallaabada uu Guddoomiye Cirro ku qaadacay Heshiis saddexda Xisbi u ballansanaayeen in la hordhigo Xubnaha Guurtidu u xushay kasoo talo-bixinta Arrinta Muddo-kordhinta Xukuumadda, kadib markii uu helay Xogo sheegaya in Muddo taas ka badan Guddidu calaamadsadeen.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Maanta warbaahinta La hadlay, kadib kulan uu la yeeshay Guddida Guurtidu u saareen kasoo talo-bixinta Muddo-kordhinta Xukuumadda Loo Samaynayo, ayaa isagoo cadho badani ka muuqato eedo dusha uga tuuray Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisa, isla-markaana sheegay inay ku guuldarraysteen inay dalka doorasho ka hirgeliyaan,
“waxan anigu shakhsi ahaan waa mar shanaadkii aan Guurtida imaaddo ilaa 2002-dii, marwalbana waxa aan ka ahaa shantaa jeer ergo inaan doorashada dib loo dhigin, waxana caado inoo noqotay dawlad xilkeedii kasoo bixi weyday inaynu sanad kasta jaa’isad usiino muddo-kordhin, ismana aan lahayn Ucid iyo Kulmiye oo Kursiga fadhiista, ayaa Arrintaasi dib usoo noqon doontaa waayo waxanu ahayn labada xisbi ee arrinntaas ka dagaallamayey,” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha ucid oo hadalkiisa sii wata tilmaamay inay wax laga naxo tahay In Xisbigii Kulmiye ee ka dagaallami jirey muddo-kordhintu uu maanto Baryo in muddo-kordhin loo sameeyo, waxana uu yidhi,
“Waxa Nasiibdarro ah Kulmiye oo aan ogaa 2009-kii Dagaalkii aanu ka wada Galnay in loo kardhiyo Dawladdii hore maanta Markii uu Kursiga Qabsaday aanu katalin sidii ay Doorasho u dhici lahayd, intay iska seexeeen Markii ugu dambaysay yidhaadheen Guurtiyeey Kasoo Taliyo, waxana ay ina Tusaysaa Daciifnimadeena.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu si gaar ah uga Hadlay Arrimo Xisbiyadu heshiis ku ahaayeen oo Warar dhinaca Guurtida kasoo baxay ay Doc-faruureen, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in Golaha Guurtidu ixtiraamaan Muddo kooban oo Axsaabtu si wada jir ah heshiis ugu tahay, waxana uu yidhi,
“Annaga(ucid) iyo Xisbiga kale ee Mucaaridka ahi waxanu la fadhiisanay Dawladda ilaa saddex jeer Go’aan Baanu gaadhnay inaanu wada tashi samayno oo duruufaha eegno oo waxyaabaha ina horyaalla ee aan ahayn farsamo sida shuruucda iyo Saami-qaybsiga iyo Hawlo badan oo aan Komishanka u muuqan markaanu aragnay waxanu damacnay inaanu durkino, waxana aanu ku darnay shan bilood iyo shan iyo toban cisho sanadka 2016-ka.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu faahfaahiyey sida ay isku dayadaasi ku guuldarraysteen iyo Hannaankii uu Guddoomiye Cirro uga Baxay wixii lagu heshiiyey iyo waliba Waxyaabihii uu daliishaday oo uu Faysal Laftiisu Garawshiiyo ka Bixiyey,
“Kulmiye waxanu udirnay waxana aanu ku nidhi Dawladdiinii kasoo raarida arrintaas inay nagu raacsan tahay, shalayna waxana aanu la kulanay Guddoomiyaha Guurtida, waxana aanu isku raacnay inaanu warqadda saxeexno oo isaga u dhiibno, Saakana waanu Ballansanayn, waxana saaka Noo Yimi Cabdiraxmaan Cirro waxana uu nagu yidhi warar baa soo baxaya Odhanaya Guurtidu Inteennii ku joogi maysee Maxaa ka macno ah ee aynu ka saxeeaynaa, saas ayuuna Cabdiraxmaan ku maqnaaday Xaqna wuu u leeyahay, marhadii uu ugaaday Wixii aanu ku heshiinay inaanay Guurtidu ixtiraamaynin, waa Runtii oo wax loo saxeexo ma aha.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Faysal waxa uu saxaafadda u sheegay inuu Guurtida u sheegay Haddii ixtiraam ay u muujin waayaan Waxa Labada Xisbi iyo Ucid iyo Kulimiye isku raacsan yihiin uu Talo ka geli doono sidii uu waddanka uga Bixi lahaa, waxana uu yidhi,
“anigu Faysal Ahaan Waxan ku idhi maanta Haddii intaas aanu isku raacnay aad dhaaftaan waxan ka tashanayaa inaan dalkan sii joogo iyo inkale, waayo dal aan laga naxayn oo mid mucaarid ah iyo mid muxaafi ahi ka naxayn anigu ma doonayo inaan Taariikh Xun ka qaybgalo, Waxana aan idhi Haddii aad taas ka tagtaan waxad u hiilinaysaan xumaanta Dalka”
source:himilo