“kursigii Somaliland-na waxa uu galay Tolla’ay waa markeenii haddii aynu reer hebel nahay, tolla’ay reer hebolow hadday gaadhana tolla’ay aynu reer Hebel iska celinaa ku xigta, Xisyadana waxaynu u samaysanay in qabaa’ilka lagaga baxo.”
“Kursiga Somaliland hagbad ma aha oo hagbadahaa wareega, laakiin waxa weeye yaa waddanka wadi kara, aniguna markii saddexaadna waan tartamayaaye barbarkii ay ka baxdaa waa bakayle-qaleen……”Eng. Faysal Cali-waraabe.
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si furan uga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka waxana uu si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey dhaqan qabyaaladda salka ku haya oo muddooyinkii dambe siyaasadda waddanka ku faahaya.
Guddoomiye Faysal waxa ugu horrayn ka hadlay kala sarrayn ka jirta dhinaca heerka waxbarashada Somaliland oo uu sheegay inaan loo sinnayn, taas oo uu sheegay inay wiiqayso horumarka waddanka, “Jaamacadaha aynu dhisanay way badan yihiin, waana qaar gaar loo leeyahay oo ay geli karaan oo kali ah inta wax haysataa, inaynu dhisno mujtamac qaybsan oo inyar oo wax haysataa carruurtooda jaamacado u helaan inta kalena waayaan, waxay ila tahay inaanay horumar ahayn oo aynu noqon doonto umad aan isku dhammayn.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Faysal oo hadalkiisa sii wata, ayaa is-dultaagay sida qabyaaladdu ugu faaftay doorashada cidda dalka hoggaamin karta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“innaga dhexdeena waxa waxa samaysantay qabaa’il, kursigii Somaliland-na waxa uu galay Tolla’ay waa markeenii haddii aynu reer hebel nahay, tolla’ay reer hebolow hadday gaadhana tolla’ay aynu reer Hebel iska celinaa ku xigta, Xisyadana waxaynu u samaysanay in qabaa’ilka lagaga baxo.”
Guddoomiye Faysal waxa uu diidmo ka muujiyey beelo uu jawi beelaysan oo hoggaaminta dalka lagu jaan gooyo, waxana uu meesha ka saaray inay jiraan cid gaar ah oo hoggaaminta waddanka loo xidhay,“Kursiga Somaliland hagbad ma aha oo hagbadahaa wareega, laakiin waxa weeye yaa waddanka wadi kara, daacayadahan la isku dhiibayo ee la leeyahay ka kaca waa la ina faquuqayna cid la faquuqay ma jirtee Somaliland waa dad siman.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Mar uu si hufan u hogo tusaalaynayey sida aanay xisbinimada iyo qaybaaladdu meel u wada geli Karin, waxana uu bulshada ugu bushaareeyey inuu markii saddexaad murrashax yahay, waxana uu yidhi,“Nabad baa socotee axsaabta qabaa’ilka hallaga daayo oo qabiil iyo xisbi meel ma wada geli karee tolla’ayeyda halla joojiyo, aniguna waxan halkan u imi inaynu qaran yeellano, laakiin sidan imika socota waxan u malaynayaa inaga oo is-haysana in dusha la inaga qabsan doono, Waxanan idiinku bushaarraynaa Anigu markii saddexaadna waan tartamayaaye barbarkii ay ka baxdaa waa bakayle-qaleen.”
Ugu dambayntii waxa uu Eng. Faysal Cali-waraabe ka hadlay qalalaasaha ka taagan dalka Ethiopia, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu saamayn ku yeelan karo Somaliland,“Ethiopia waa waddankii ugu ballaadhnaa Geeska Afrika, degenaanshaheeduna waa degenaanshaha geeska oo dhan, inagana aad iyo aad bay inoo saamaynaysaa, inagana maanta waddanka Djibouti mooyaane hareeraheena wax aka socda qalalaase, waxana aynu u baahanay inaynu baddaas aynu keenay ku mintidnaa.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.