Eng. Maxamed Xaashi {Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda} Oo Ku Taliyay In Bannaanka Loo Tuuro Hay’addaha Hargeysa Dhexdeeda Ku Fadhiya Magaca Somalia Oo Uu Ku Tilmaamay Inay Yihiin Cadawga Somaliland

0
36

“Dawladda, Baarlamaanka Iyo Saddexda Xisbi, Waxaan Leenahay ‘Waar Magaaladdeenii Baa Lagu Fadhiyaa Magaca Somalia, Innaynu Ka Dhiidhino Miyaanay Ahayn, maxaynaga qaaday raadiskii..” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xukuumadda, labada gole qaran iyo saddexda xisbi, iyo sidoo kale bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay il gaara u yeeshaan, oo ay ka tashadaan, wax uu ku tilmaamay qawlaysato dalka burburinaysa, oo aayaha dalkani leeyahay meel xun ku ridaya, taas oo uu sheegay inay yihiin hay’addaha ku sugan Somaliland ee Caasimada Hargeysa ku dhex fadhiya magaca Somalia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here