Eng. Xuseen Ibraahim Buuni Oo Ku Baaqey In Beelaha Gabooye Saami Loo Siiyo Guddoomiyaha Guurtida

0
249

Hargeysa (Hubaal) Eng Xuseen Ibraahim Buuni oo kamida masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ayaa shirjaara’id oo uu ku qabtey Hargeysa waxaa uu ku baaqey in beelaha Gabooye saami loo siiyo gudoomiyaha golaha guurtida,  madaama gudoomiyaha golaha wakiilada hada loo doortey Baashe Maxamed Faarax oo kasoo jeeda Degaanka SOOL oo in muddo badan tabasho saami qaybsiga ahi ka jirtey.

Sidoo kale waxaa loo doortey gudoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha wakiilada Axmedyasiin sh. Cali Ayanle oo kasoo jeeda degaanka Awdal, tabasho lamid ahina ka jirtey oo kusaabsan saami qaybsiga kuraasta qaranka.

Eng Xuseen Buuni oo hadalkiisa sii wata ayaa ka war bixiyey in ay hore Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo uu Qalinka ama magacaabis xilal misaan leh tabashadii labada degaan ee SOOL iyo AWDAL iyaga oo loomagacaabey xilal misaan leh.

Waxa sidoo kale uu Eng Buuni ka dhawaajiyey muhiimada ay Qaranka iyo wax wada lahaanshaha u leedahay in golayaasha qaranka ay hogaamiyaan beelaha darafyada ee tabashadu kajirto. Somaliland waa dal ay ka hirgashay laba nidaam oo isbarkan kuwaas oo afka qalaad lagu yidhaahdo (Hybrid State), nidaamka awood qaybsiga beelaha (clan power sharing) iyo nidaamka casriga ah ee hal qof iyo hal cod ee dimuqraadiga ah.

Waxay wax weyn ka tareysaa gudoomiyenimada Baashe Maxamed Faarax iyo kuxigeenka 1aad ee Axmedyasiin sh.cali ayanle, tabashadii saami qaybsiga ee ka jirtey labadaas degaan ee Sool iyo Awdal.

Eng. Xuseen Ibraahim Buuni wuxuu ku taliyey in ay hada dhiman yihiin in saamigoodii ay qarankan ku lahayeen la siiyo Beelaha Gabooye oo loo magacaabo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, si looga midha dhaliyo tabashada mudada dheer soo jiitameysay ee ay beelahani ka tirsanayeen saami qaybsiga qaranka.  “Sawirka guud ee qaranimada iyo wax wada lahaanshaha ee Somaliland wax badan ayey ka tareysaa in beelaha gabooye lasiiyo gudoomiyaha guurtida.” ayuu yidhi Engineerku

 

Gabagabadii wuxuu eng xuseen buuni fariin u direy shirguddoonka golaha wakiillada sidii ay u dardergelin lahayeen ansixinta nidaamkii kuraasta loogu xidhayey beelahan ee Kootada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here