“Erey Gabay Ama Geeraar Ah Amaba Hees Muxibiyo Kalgacal Loogu Tiray Calankaasi 1-dii July 1960-Kii Oo Uu Madaxweyne Farmaajo Soo Qaadan Karaa Ma Jirto….”

0
484

Mujaahid Boobe Y. Ducaale oo Si Adag uga Hadlay Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ee 26-ka Juun+ Jawaabna Ka Bixiyey Kalmed Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya Ka Yidhi Somaliland

“Guddoomiyuhu Wuxuu Yidhi; Waan Ka Xumahay Somaliland Wakhtigan Calan Kale Ayaa Ka Taagan’…… Waxaan Leeyahay Wax Laga Xumaado Maaha Hadduu Ka Taagan Yahay Iyo Haddaanu Ka Taagnaynba, Somaliland Calankeedu Wuu Taagnaanayaa. Waxase Wax Laga Xumaado Ah……” Muj. Boobe Y. Ducaale

Farmaajooooo

Hargeysa (Hubaal):-Mujaahid/Siyaasi Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo sida oo kale na ah qoraa iyo taariikh-yahan xeel dheer, ayaa ka hadlay khudbad habeenkii 26-kii Juun uu magaalada Muqdisho ka jeediyey Madaxweynaha dalkaasi Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasi oo ku saabsanaa gabayadii loo tiriyey maalintii xornimada ay Somaliland ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska iyo weli ba taariikhda 26ka Juun, taasi oo khaladaad dhinaca magacyada gabayo iyo taariikho ay ku jireen hadalkii madaxweyne Farmaajo.

Mujaahid Boobe Yuusuf isagoo ka hadlaya wuxuu yidhi;

“waxaan telefiishennada ka daawaday khudbad madaxweyne Farmaajo kahor jeediyaynayay labada aqal ee dalkaasi Somalia, halkaas wuxuu ka akhriyay tuduc yar oo uu kasoo saaray ‘Sareeyow ma nusqaamow’, oo uu ku sheegay Gabay Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku gabyay maalintaas. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay inuu gabaygaas Timacadde ka tiriyay magaaladda Hargeysa 26-kii June 1960.

Cabdilaahi Suldaana beertii fagaaraha ahayd ee ugu horraysay iyo  maalintii u horraysay ee uu geeraarkaa tiriyo may ahayn 26-kii ee waxay ahayd 25-kii June 1960, salad casar iyadoo laga soo baxay, iyadoo la joogo halkan uu maanta ku yaallo masaajidka uu dhisAY Ibraahim dheere.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe oo isla markaasina ka sheekeeyay taariikhdii iyo maraaxilkii wakhtigaasi taagnaa iyo u dhaceen.

“Maxamuud Maxamed Cabdilaahi Farmaajo erey gabay ah ama erey geeraar ah amaba hees uu soo qaadan karo oo loo tiriyay calankaasi oo muxibiyo kalgacal loogu tiray 1-dii July 1960-kii oo uu soo qaadan karaa ma jirto. Wixii ay ku heesaanba waa ‘Soomilyeey Toosoo ama Qoloba calankeedu waa ceyn. Baamboydu waxaa ay u tumayaan marka uu hor marayo waa heesihii laga tiriyay Hargeysa.” Ayuu yidhi Boobe oo intaasi ku daray, “ Waayo cusub baa abuurmay oo keenay inay Somaliland xaaladan ku sugnaato.

Sidoo kale Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu jawaabo adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha Aqalka-Sare ee Baarlamaanka Somaliya Md.Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaasi oo ku saabsanaa calanka Somaliland ee hada ka taagan dalka.

“guddoomiyuhu wuxuu yidhi; waan ka xumahay Somaliland wakhtigan calan kale ayaa ka taagan’. Waxaan leeyahay wax laga xumaado maaha hadduu ka taagan yahay iyo haddaanu ka taagnaynba, Somaliland calankeedu wuu taagnaanayaa. Waxase wax laga xumaado ah, isagoo ah guddoomiyaha aqalka sare, in marka ay labada gole isku yimaadaan uu Jawaari noqdo guddoomiyaha labada aqal, oo Jawaari oo sharciyan ah guddoomiyaha aqalka Hoose isagu inuu yahay guddoomiyaha aqalka sare.

Markaa markaynu af-soomaaligaba isla keeni weyno, ee aynu annaguna sare sare u naqaano, ee idinku hoose sare u taqaaniin waa ayaan darro weeyaan.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here