Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,ahna Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Dr Saleebaan Ciise Axmed(xaglo-toosiye), ayaa Maalintii shalay Hadhimo-sharafeed ku macsuumay Xubnaha Beelaha Arab ku leeyihiin Golaha Dhexe ee Xisbigaas, waxana Madashaas lagu gorfeeyey sidii xubnahaasi Musharraxa u siin lahaayeen Codkooda xilliga la kala saari doono musharrixiinta Jagadaas ku loollamaysa. Hadhmadan wasiirku sameeyey oo lagu qabtay Hutel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa kasoo qaybgalay Xubnaha Beeshu ku leedahay Golaha dhexe ee Kulmiye oo tiradoodu dhan tahay 31-Xubnood, waxan Hadallo Musharraxnimada lagu taageerayo halkaas ka jeediyey xubno marti-sharaf, Salaadiin, Xildhibaanno iyo Kuwa la casuumayba iskugu jira, iyadoo halkaas lagu muujiyey taageerada Wasiirka loo hayo. Wasiir Xaglo-toosiye oo dhawaan shaaciyey inuu u taagan yahay Jagada musharraxa madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye, ayaa casuumaddan uu sameeyey kala kulmay jawi farxad leh, waxana xubnaha Golaha dhexe ee Beesha ugu jira Xisbigu halkaas ka muujiyeen inay diyaar u yihiin sidii ay codkooda ula garab istaagi lahaayeen Musharrax Xaglo-toosiye, maadaama Shacabka Reer Somaliland u arkaan inuu yahay shakhsiga ugu haboon in loo doorto Jagada uu haatan damaceeda muujistay. Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo isaguna Halkaasi Hadal kooban ka jeediyey, ayaa caddeeyey inuu xubnaha fadhigaas ka qaybgalay ee Beesha uu ku dhiirrigelinayo inay codkooda siiyaan Musharrax Xaglo-toosiye, waxana uu intaas raaciyey in la gaadhay xilligii Xubin sida Wasiir Xaglo-toosiye oo kale firfircooni siyaasadeed leh, isla-markaana kasoo jeedda Gobollada Bariga dalka loo dooran lahaa Hoggaaminta Dalka. Suldaan Cumar waxa uu Xubnihii Golaha dhexe ee Halkaasi fadhiyey kula dardaarmay inay hiilka Wasiir Xaglo-toosiye xil weyn iska saaraan, isla-markaana diyaar u ahaadaan sidii ay iyagoo midaysan taageeradooda siin lahaayeen musharraxan ku suntan Doorkii muuqday ee uu kasoo qaadday Nabadaynta Somaliland, gaar ahaan Deegaanada Bariga ee uu dhalasho ahaan kasoo jeedo. Xubno door ah oo iskugu jirey Cuqaal, Salaadiin, Siyaasiyiin iyo waliba aqoonyahan oo kasoo jeeda Beesha hadhimada loo sameeyey Xubnaheeda Golaha Dhexe oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa si isku mid ah u taageeray musharraxnimada Wasiir Xaglo-toosiye, waxana sheegeen inay si niyadsami ah ugu codayn doonaan Musharraxa marka la gaadho xilliga doorashada madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa cidda noqon doonta. Musharrax Xaglo-toosiye oo isaguna Halkaasi ka Hadlay, ayaa muujiyey sida uu ugu harraadan yahay Cudud taageero oo uu ka helo Xubnaha Beeshaasi ku leedahay Golaha dhexe, waxana uu ka codsaday in ugu hiiliyaan sidii mansabka uu u tartamayo u gaadhi lahaa. Musharraxu waxa uu Xubnaha u sheegay inuu aaminsan yahay gaadhitaanka Hankiisu inuu u fiican yahay Somaliland, isla-markaana guushiisu horumar la taaban karo gaadhsiinkarto Dalka, “Waxan aaminsanahay in gaadhhitaanka Hankaygu aanu kaligay muhiim ii ahayn, balse sidoo kale uu muhiim u yahay qaranka Somaliland. Waxan idinka rabaa oo aan codsanayaa inaad codkiina iigu hiilisaan oo aad Somaliland u hiilisaan, ogaada haddii aad codkiina isiisaan waxad u hiiliseen Somaliland iyo qaran-nimada, anigana waxa iga go’an inaan Horumarka iyo gaadhitaanka Ictiraafka dalkeena si weyn uga shaqeeyo, maadamaama aan kaalin weyn kasoo qaatay Nabadaynta Dalka.” Ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye. Wasiirku waxa uu ugu dambayntii kula dardaarmay xubnaha Golaha dhexe ee Beesha Arab inay is garab taagaan, maadaama oo ii beel ahaan si weyn iskugu halleeyo.