Hargeysa:(Hubaal)-Kacdoonka qoomiyadda Oromada ee dalka Ethiopia, ayaa cirka isku shareeray, waxana kooxo is urursaday oo qoomiyaddaas kamid ahi ay maalintii shalay weerar ku qaaday wershed sibidh oo lagu magacaabo Dangote cement factory, taas oo uu iska leeyahay ninka qaaradda Afrika ugu lacagta badan ee lagu magacaabo Aliko Dangote.
Diba-dabaxayaasha, ayaa dab qabadsiiyey wershedda, iyagoo halkaas ku gubay gaadiid waaweyn oo halkaas yaallay iyo mishiinno ay wersheddaasi lahayd deegaanka Ada Berge ee gobolka Oromia.
Sidoo kale waxa ay dibad-baxayaashu gubeen xarun Boolis oo halkaas ku yaallay, iyagoo oodda ka qaaday tiro maxaabiis ahayd oo dembiyo kala duwan loo haystay.
Gaadiid saldhiggaas yaallay oo ay ciidamada ammaanku lahaayeen, ayey iyagana dab qabad-siiyeen, waxana gebi ahaanba xidhay goobaha ganacsiga oo iyaga looga cabsi qabo in la boobo.
Dibad-baxa qoomiyadda oromada oo ah dadka ugu tirada badan qoomiyadaha ku nool dalka Ethiopia, ayaa adduunka oo dhan laga dareemay, waxana ay maalmo ka hor geeriyooday ku dhawaan 200-qof oo qoomiyaddaas kamid ahaa, kuwaas is-buurtay markii ay ciidamada ammaanku sunta indhaha ka ilmaysiisa ku biifiyeen xilli ay iskugu soo baxeen xus diimeed iyaga gaar u ahaa.