Ex-wasiir Shucayb Oo Guddoomiyaha WADDANI Ku Eedeeyay Cunsurinimo Uu Sheegay Inuu Kula Kacay Laba Xubnood Oo Ka Tirsan Komishenka Doorashooyinka

0
18

“Waxay Ku Tusaysaa Nacaybka Uu Cabdiraxmaan-cirro U Hayo Haweenka Somaliland, Gaar Ahaan Hablaha Reer Gabiley”- Shucayb Maxamed Muuse, Wasiirkii hore ee waasaaradda warshadaha Somaliland ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Hubaal) Wasiirkii hore ee waasaaradda warshadaha Somaliland ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo, Shucayb Maxamed Muuse, ayaa eedo culus ujeediyay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-cirro), isagoo ku eedeeyay in uu isir ahaan (cunsuriyad) u diidan yahay laba xubnood oo madaxwayne Biixi u soo xulay komishanka cusub, Cabdirashiid Riyo-raac iyo Kaltuun sheekh Cabdi Madar oo iyadu kamid ahayd komishankii hore.

“Arrinta layaabka lehi waxay tahay, xubnihii guddida doorashooyinka, hadday guurtida tahay iyo hadday madaxweynaha tahay iyo hadday xisbiyada tahayba waa la soo xulay. Dadku waxay markaasi u dhag taagayaan in hawshaasi sidii loogu talogalay u dhacdo. Waxa fajaciso noqotay guddoomiyaha Waddani oo runtii warqad adag luuqad adag uu ku qoray uu u diray madaxweynaha, goleyaashana ogaysiin siiyay.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee waasaaradda warshadaha Somaliland ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo, Shucayb Maxamed Muuse oo shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada hargeysa,

Mr. Shucayb ayaa guddoomiye Cirro ku eedeeyay in uu si gaar ah u neceb yahay haweenka reer Somaliland, gaar ahaana kuwa reer Gabiley “Guddoomiye Cirro wuxuu leeyahay, waxa lagu soo daray Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi-madar oo uu leeyahay in lagu soo daraa khalad bay ahayd, haddii lagu soo darana doorasho dhici mayso. Arrintaasi waxay tilmaamaysaa laba qodob. Markaynu dhaqanka soomaalida dib ugu noqono, habluhu waxay leeyihiin xurmada koowaad, waa laga xishoon jiray, inani haday maanta soo fuusho bas buuxa, markay sidaa u istaagto qofka ugu horreeya ee arka ayaa kursiga uga kacaya, waayo waa inan. Haddaba dhaqankii sidaa ahaa waxa biiyey guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro oo ay muuqato inaanu dhaqankii soomaalida waxba ka aqoon, wax macluumaad ahna ka haysan, waayo markuu arrinku inan istaago, waar inan baa la odhan jiray, waxan filayay gabadha in kursi looga kaco ee maanaan filayn in kursi loo doortay oo loo xushay oo ay muwaadinad ahaan xaq u leedahaya, in guddoomiyaha waddani uu warqada intaa leeg ka qoro. Waxay tusaysaa nacaybka uu u hayo haweenka Somaliland iyo gaar ahaan hablaha reer Gabiley.”

Wasiirkii hore ee warshadaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyey, “waxan xusuustaa markii ay diiwaangelintu ka socotay gobollada dalka, annaga oo dhawr wasiirro dawladdii Siilaanyo aanu ku joognay ah, ayaa waxaanu komiishanka ka codsanay iyagoo madaxweynihii fadhiyo, xubnihii komishanka iyo xisbiyadu fadhiyaan, in gobolka iyo gobolka Gabiley maadaama oo abaarro badani ka jireen oo dadkii ka hayaamay, in toddoba cisho la noogu daro si ay dadku usoo noqdaan. Arrintaa si cad waxa u diiday xisbiga Waddani, xisbiga Ucid isagu wuu ogolaaday. Dhacdadii labaad waxay ahayd, markii diiwaangelintii dambe ay dhacday ee kaadh bixintii, xisbiga waddani shir jaraa’id buu qabtay, waxa ay yidhaahdeen Gabiley waxa la diiwaangeliyay xili ka baxsan xiliyadii la shaqayn jiray, tan kaltuun-na waa tii saddexaad, cabdiraxmaan Cirro haku darsado.” Ayuu yidhi

Wuxu intaasi ku daray “Waxa kaloon xusuustaa shirkii Gacan-libaax, isagoo guddoomiye Cabdiraxmaan fadhiyo ayaa waxa lagu go’aamiyey in laba beelood oo Somaliland ka tirsani inaanay shirkaa kasoo qaybgalin, isna wuu dhex fadhiyaa, weli halkii buu marayaa oo Ina Riyo-raac iyo Kaltuun maalintii la lahaa shirkaa yaanay kasoo qaybgalin, luuqadii Gacan-libaax ayuu ilaa maanta ku hadlayaa, waa iyadii oo si kale uun u dhigan marka laga hadlayo Ina Riyo-raac iyo Kaltuun oo midina Gabiley kasoo jeedo midna kasoo jeedo Saraar, markaa waxaan leeyahay guddoomiye Somaliland-ta aad codka ka doonaysid waa taas aad qaybqaybinayso.” Ayuu yidhi

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id ee EX-wasiir Shucayb:

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here