Tokyo:(Hubaal)-Sanadkii 1924tii ayaa goob tareenadu ay ku hakadaan oo ku taalla magaalada Tokyo ee dalka Jabaan waxaa soo istaagay tareen, waxaa saaran eey yar, waa eey aan cidna la socon oo keligiis ah.
Professor la odhan jiray Ueno oo wax ka dhigi jiray Jaamacada agriculture department at the University of Tokyo ayaa arkay eeygii kadibna wuxuu u kaxeeyay gurigii uu degennaa.
Ninkan subax walba ayuu tareenka u raacaa goobtada shaqada, eeyguna kama hadho oo hore ayuu u soo raacaa illaa xarunta tareemada uu uga hadho, isagoo gelinka dambe marka uu shaqada ka soo rawaxo halkaas ka soo mari jiray eyga, iyagoo ka dibna isku raaci jiray guriga.
Hase ahaatee Muddo laba sano ku dhow markii ay saaxiibo ahaayeen ayaa Ninkii soo laaban waayay habeen ka mid ah habeenada, iyadoo eygiina uu weli ku sugayo xaruntii tareemada oo uu kadaloobo derbi ku yaalla meel gees ah keligiis.
Ninkii habeenkii xittaa ma imanin gurigii uu degannaa, eygii siduu u sugayay ninkii dib uma soo laaban waayo wuxuu ku xannuunsaday goobtiisii shaqada ka dibna, wuu ku dhintay.
Eygii subax walba wuxuu u kalihi jiray goobtii tareemada si uu mar uun u arko saaxiibkiis waqti isku mid ah isagoo aaminsan in ninkii saaxiibkiis ahaa uu soo laaban doono.
Dadka safarka ah ama kuwa shaqaalaha ka ah goobta laga raaco tareemada ayaa eyga cunto iyo biyo siin jiray.
Gu, xagaa, jiilaal iyo deyr, todobadyo, bilo sanad iyo sanado badan ayuu eygu goobtii ku sugayay saaxiibkiis, kaasoo aan weligiis soo laabanin.
Tani waa sheeko dhab ah, eygan waxaa lagu magacaabi jiray Hachiko, taariikhdu markii ay aheyd 8-dii March 1935-tii sagaal sano kadib dhimashadii ninkii saaxiibkiis ahaa ayuu isna geeriyooday Hachiko.
Maanta waxaa jirta taallo lagu xusuusto oo loo sameeyay eygan taasoo laga dhisay xaruntii tareemada oo uu saaxiibkiis ku sugi jiray, Waxaa kale oo sheekadan laga sameeyay filim lagu magacaabo Hachiko Saaxiibkii nolosha, waxaana sheekadan ay noqotay mid cajiib ah oo si weyn looga qadariyo wadanka Japan.