“Waxaan Idin Leeyahay Aynu Mucaarid Isku Tiirsan Oo Sharaf leh Noqonno Laakiin Hadaynu Bisado Yaryar oo Maalinba Meel Raashin Lagu siiyo Noqono Meelna Gaadhi Mayno Ee Aynu Shirka Kala Baxno talo hagaagsan Oo ah….”
Hargeysa (Hubaal)- Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Ayaa naqdiday marin habaabin ay sheegtay in lagu sameeyey ujeedooyinkii shirka Mucaaridka laga lahaa iyo natiijadii laga filayay iyo taladii loo baahnaa in layska weydiiyey doorashooyinka muddo dhaafay kuwaas oo ay sheegtay in aan haba yaraatee meesha lagu soo qaaday.
Marwo Faadumo Siciid oo shalay iyadoo shucuurteedu kacsan tahay khudbad ka jeedisay gunaanadkii shirka wada tashiga ee Axsaabta mucaaridka ah oo shalay natiijo la’aan lagu soo gebogabeeyey ayaa ku baaqday in meesha laga saaro qoddobo aan u cuntamayn bulshada taas beddelkeedana xaqiiqada lagu salleeyo nuxurka shirka laga quudaraynayo oo ay carrabka ku dhufatay in xukuumaddu ka dhur sugayso.
“ [Xukuumaddu] waxa ay ka baqanayeen nuxurka ka soo baxayaa shirka iyo waxa meesha lagaga hadlayo, innaguna nuxurka ma gaadhi karayno waayo wixii loo baahnaa cidi kama hadlayso” sidaa ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid oo shucuurteedu ka turjumayso salluuga ay ka dareensan tahay in aan shirka runta laga sheegin, waxaana iyada oo hadalkeeda sii wadata ay intaa ku dartay “shirkan waxaa loo sameeyay markii aynu aragnay inaan doorasho dalkan ka dhacayn oo ay dawladdu cayimi weyday waqtigii doorashada, markay guurtidu ay waqti aan sharci ahayn ku biirisay [heshiiskii]. Waxaas oo dhan oo maanta inna horyaalla ayaynu shirka u qabanay wixii aynu ka qaban karno. Su;aasha lays weydiinayo ee meesha taalla ee laydinka sugayay waxay tahay doorashadii way dhici la;dahay madaxweynahana waqtigiisii wuu dhammaaday, markaa maxaynu samaynaynaa? Su;aasha lays weydiinayaa waa taas laakiin ma hayno” ayay Marwadu hadalkeeda ku ladhay iyada oo dhinaca kalena muujisay salluuga ay ka qabto geedi socodka shirka iyo habka loo maamulayay waxa ay tidhi “ Haddaynu maanta oo dhan ku wareegaysanno cagafcagaf lama keenin iyo kolba inta uu xildhibaan meesha isa soo taago in uu dadka ku yidhaahdo Aamus [Shut up] maxay macnaheedu tahay. Dad waaweyn oo sharaf leh oo cumaamadahooda sita ayaa meesha fadhiya , maxay taas macnaheedu tahay, ma Saleebaan Gaalkii Guurtida ayaynu noqonay, waaryaa Xaaraam Calayk dad sharaf leh iyo dumar marwooyin ah baa fadhiya xildhibaanna waad isku sheegaysaa….” Halkaa Markay hadalka marinayso ayaa shir guddoonka shirka hagayay soo dhex galay khudbadeeda isaga oo ka dalbaday inay mawduuca ku ekaato, hase yeeshee Marwo Faadumo hadalkeeda way sii wadatay iyada oo dalabka shirgudoonka ku gacan saydhay “ sug…sug…sug, dadka cagaf yada ka hadlayaba hadalba waad u deynaysaaye [Shirgudoonow] anigana ii daa hadalkayga aaan dhamaystee” sidaa ayay kaga jawaabtay dalabkii Guddoomiyaha shirku u soo jeediyey iyada oo ergadii dhegaysanaysna jiib iyo sacab ka turjumaya warcelinteeda ku taageeray.
Biyo dhaca Khudbadda Faadumo
Halkaa markay maraysay Faadumo Siciid waxa ay u leexatay marxalada dalka ka jirta iyo tallaabooyinka lagu karantiimeeyey asxaabta ee dhaq-dhaqaaqooda lagu taakaynayo, iyada oo daba socota awaamiirtii lagu hor joogsaday shirkooda intaan maxakamadu fasixin, waxaanay hadalkeeda ibo-fur uga dhigtay su’aashan oo ay shirka weydiisay “dawladdu xafiisyadeenii bay xidhay oo waxay diiday in shirkan la qabto , sababta ay u diiday ee aymeel walba askar u dhigtay illaa maxakamadda sare aynu ku gaadhnay maxay ahayd?, sow ma ay ahayn inaynu is weydiino, sow maaha inaynu is weydiino waynagaa maanta isu nimiye maxaynu dawladda la hor tegeynaa, maxaynu sheegaynaa, maxaa la odhanayaa labadii xisbi qaran iyo madashii way isu yimaadeen oo waxaas bay keeneen?. Haddaynu meeraysanno waxba socon maayaan ee waxaan idin leeyahay ha inna jaho-habaabinina . waanu ognahay dawladdu maanta lacag bay meel walba la taagan tahay oo ay nin walba gurigiisii ku garaacaysaa oo ay leedahay lacagtaas qaado oo fadhiiso ama wax ha odhanina, oo xataa anigaygaa idin hor taagan baa la iila yimi ee waxaan idin leeyahay ama mucaarid sharaf leh oo isku tiirsan oo gacmaha is haysta aynu noqono oo aynu miiska garaacno sidiii ay iyaguba [Xukuumadda] u garaaci jireen laakiin haddaynu noqonayno bisado yaryar oo maalinba meel la isugu keenayo oo raashin la siinayo, dee taas umaynu iman oo nin walba gurigiisa raashin waa yaalla ee waxa aynu waqtigeennii u hurnay ee aynu meesha ufadhiisanay waxa weeye inaynu talo gaadhno” halkaas markay hadalka marinaysay ee ay intaas tidhi ayaa ergooyinku isla oogsadeen sacab ay ku taageerayaan hadaladeeda iyada oo markii dembe hadalkeeda ku soo gunaannaday sidan: “Aynu talo hagaagsan meesha kala baxno taasoo ah: labadii xisbi qaran [UCID iyo WADDANI] markay si wanaagsan u shireen, markay wax walba eegeen, markay arkeen inaan doorashadu dhacayn, markay arkeen in madaxweynaha waqtigiisii inu udhammaaday, markay arkeen inaanay maanta jirin dawlad dalka lagu halleeyaa maxaa innoo dan ah?” lixdaas qodob ee talada ah iyo su;aasha ka dembeysa ayay Marwo Faadumo Siciid Hadalkeeda ku soo xidhay.