Faah Faahin Dagaal U Dhexeeya Beelaha Deegaanka Buuhoodle Iyo Gaashaamo Oo Ka Dhacay Deegaanka Cali Buraale

0
91

dagaal aad u ba,an oo ka soconaaya deegaano ka mida DDSI oo lagu magacaabo cali buraale ayaa waxaa maanta ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba beelood oo wada dega deegaanadaas Kuwaas OO kala ah beeshalaha dhulbahante ee dega magaalada buuhoodle iyo beesha habar yoonis

newsdagaalka ayaa waxaa lagu sababeeyay inuu ka bilaabay deegaamayn cusub iyo qaar hore u jiray oo ay isku maandhaafeen labadan beelood

dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa in ilaayo maanta uu soconaayay islamarkaana qoloba ay bilaabtay sidii ay u helilahayd ciidan beeledyo iyada oo ciidan beeleedo marba gaadhi soo dhigaayo isla markaana uu sii xoogaysanaayo dagaalku

dhimashada dagaalkan ayaa waxaa la shaaciyay ilaa hada in ay ku geeriyoodeen 50 ruux waa inta la xaqiijiyee waxaana dhaawaca ilaa 20 qof

dagaalkan ayaan weli joogsan sida ay helayso warar xog ogaala oo naga soo gaadhay deegaanka cali buraale oo meel aan aad uga fogayn ka socoto dagaalku isla markaana ay xabada san qadheeda la maqlaayo dadka ku sugan deegaanada ku xeeran

dhanka kale is maamulka dawlad deegaanka soomaalida itopiya oo la filaayay inay joojiso dagaaladaas u dhexeeya beelaha ayaa gebi ahaanba waxba ka qaban taas oo lagu sababeeyay in deegaanku aad uga fog yahay gobolada laga xukumo isla markaana ay sababtay in ciidamadu si dhakhso ah u soo geli waayaan deegaanka balse waxaa la sheegayaa in ciidamo ka tirsan ciidanka liyuu bolice dhowaan soo gaadhi doonaan halkaas si ay u damiyaan dagaalka soconaaya magaalada cali buraale

Gurmad aad badan ayaa waxaa uu ka soconayaa labada magaalo ee buuhole iyo gaashaamo iyada oo marba ay soo dhacaayaan ciidan beeleedyo ku hubaysan hubka iyo saanad dagaal kuwaas oo aan waxba layskula hadhin

taas oo keentay in uu dagaalku kusii fido deegaan hor leh oo ay ka mid yihiin deegaanka lagu magacaabo baliyo xasan waxaana la sheegaya in uu dagaalkaas soo faro geliyay maamulka puntland uuna hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka cabdi xakiin cumar camey

oo ilaa hada ku sugan deegaan kaas oo ay ka arimayaan DDSI Taasna laga yaabo in ay sii huriso colaad hor leh oo u dhaxaysa puntland iyo DDSI Cusbitalka weyn ee magaalada buuhoodle ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac aad u tiro badan laguna qiyaasay ilaa 50 ruux oo qaar xaaladooda caafimaad aad u liidato

xigasho: burcoonline

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here