Laascaannood (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa magaaladda laascaanood ee xaruna Gobolka Sool, waxa ay ku xidhay wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan kooxda ay somaliland wada hadalka kula jirto ee Khaatumo. Xubnahan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Khaatumo Cabdilaahi Jaamac Diiriye (Cabdilaahi Isleged) iyo Guddoomiyaha guddida abaaraha ee khaatumo Cabdiraxmaan Xaaji Mahad, kuwaas oo xalay lagu xidhay gudaha magaaladda Laascaanood oo ay socdaal ku tageen. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Sool ee xidhay xubnahan iyo kooxda Khaatumo, balse warar xogogaal ah oo Shebekadda Somalilandrise.com ka helay magaaladda Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa waxa ay sheegayaan in ay maamulka Gobolka Sool oo uu hogaaminayo Badhasaab ku xigeenka Sool ay xadheen xubnahaaasi oo ay xalay u hoydeenxabsiga magaaladda laascaanood.
Masuuliyiintan ayaa la sheegay in ay laascaanood soo gaadheen maalmihii u la soo dhaafay oo ay sideen caawimo uu Cali Khaliif uga soo dhiibay Buuhoodle, taas oo la sheegay in uu ugu talo galay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee deegaamada sool eek u dhow laascaanood oo dhan afartan kun oo dollar, waxaanay wararka qaar sheegayaan in badhasaab ku xigeenka Sool ee xidhay xubnahan khaatumo damac ka galay lacagta ay abaaraha ugu talo galeen khaatumo.
Maamulka Gobolka Sool oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu wax uga waydiino ayaanay noo suurta gelin in aanu helno sababo xagga telefoonadooda oo xidhnaa awgeed ah.
Xadhiga masuuliyiintan ka tirsan khaatumo ee lagu xidhay magaaladda Laascaanood, ayaa khataur ku ah wada hadalladii u socday Somaliland oo dhowaan loo ballan san yahay in dib loo sii amba qaado, waxaanay warar hoose sheegayaan in uu arrintaasi cali khaliif aad uga cadhooday xadhiga loo geystay masuuliyiintan uu u dhiibay kaalmada abaaraha ee laascaanood lagu xidhay.