Faahfaahin La Xidhiidha Tabashada Beesha Gobolka Awdal, Jawaabta Xukuumada Ee Booqashada Madaxweynaha Iyo Filashada Natiijada Axsaabta Mucaaridka Ah

0
41

Ma dhabbaa in tabashada reer Awdal ku jirto wax-ka-bedel dastuurka Somaliland

Boorama (Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo ayaa la filayaa inuu soo bandhigo jawaabta xukuumadiisu ka bixinayso tabashooyin ay ku jirto in wax-ka-bedel lagu sameeyo dastuurka Somaliland oo hore beesha Gudabiiri waxgaradkoodu soo gudbiyeen, sida Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Dhawal sheegeen.

Eng.Faysal-Cali-Waraabe.jpgFaysalGuddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in booqashada madaxweyne Siilanyo ku tegayo Boorama jawaab u tahay cabashadoodii, isla markaana rajeynayo inay soo afjarmi doonto, waxaanu yidhi, “Dadka reer Awdal waxaan leeyahay ha laysku caqli celiyo, madaxweynahu wuu baxayaa Boorama ayuu tegayaa, waxaan filayaa in Madaxweynahoo ka jawaabaya cabashadii odeyaasha reer awdal tegi doono, haddii Alle yidhaahdo. Waxaan jecelnahay in arrinka reer Awdal soo afjarmi doono booqashada Madaxweynaha dabadeed.”

Suldaan Samatarsuldaan ibraahin jaamac samatarDhinaca kale, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka tirsan madax-dhaqameedka beesha Gadabiirsi ayaa sheegay in tabashadoodu ku jirto wax-ka bedel lagu sameeyo dastuurka Somaliland, isla markaana aanay la bilaabmin xukuumada madaxweyne Siilanyo, laakiin ahayd mid soo taagnayd ilaa xukuumadihii Riyaale iyo wakhtigii marxuum Cigaal.

Suldaan Ibraahim oo ka hadlayey ujeedada tabashadooda iyo waxay ku saabsan tahay ayaa sheegay inay tahay saami-qeybsiga mulkiyadda dalka, hadday tahay cir, bad iyo dhul sidii ay ku heli lahaayeen xaqooda, balse aanay doonayn xillal loo magacaabo wasiiro iyo wax la mid ah.

“Cabasho umaanu geyn Madaxweynaha Somaliland. Annagu ereygaa waanu ka soo horjeednaa, waxay ahayd garnaqsi ama saami-qeybsi. Waxaanu geynay saami-qeybsi dhan walba ku saabsan. Xagii xukuumada, hadday tahay saami-qeybsi mulkiyadii dalka, hadday tahay cir, dhul iyo bad-ba waxaan ku lahayn. Si sharaf leh ayaan u geynay, si sharaf leh ayaa lanooga guddoomay, dee wakhtigeediina waan sugaynaa. Dadku waxay moodaan marka ay maqlaan cabashadiinii, inaan doonanay dhowr shaqaale iyo xilal wasiiro in naloo magacaabo, way ka qoto-dheer tahay. Tabashadii aanu gudbinay waxay ku saabsan tahay hawlo aad u fara badan. Waxa soo geli karaya in dastuurka wax-ka-bedel lagu sameeyo. Maalmaha soo socda ayaan sugaynaa inay soo dhamaato. Wax dhayalsi oo lanagu sameeyey ma jirto, hawsha aanu gudbinay baaxadeeda ayaan ku xisaabtamaynaa.

Suldaanka oo la weydiiyey sababta beeshiisu xilligii madaxweyne Riyaale joogay hadday tabasho qabaan u gudbin waayeen ayaa ku jawaabay, “Xilligaa tabasho way jirtay, immikana way jirtaa, laakiin marka ay suurtagasho ee bislaato, ee laysku yimaado, markii hore dadku way kala filiqsanaayeen laakiin markaan samaynay golaha midnimada Gadabuursi, ayey noqotay in hawshii ugu horeysay ee laga hadlo saami-qeybsiga dalka. Xilligii Ina Riyaale way jirtay, xilligii Cigaal way jirtay, laakiin nin walba gaarkii ayuu uga hadli jiray, markii midnimo la yeeshay ayaa keentay in wadajir looga hadlo. Ummada kale ee Gudabiirsi aan ahayn tabashooyin way leeyhiin, waa laga wada hadlayaa, xuquuqda dalka in loo sinaado ayaa la wada doonayaa, maaha tabashadayadu mid bilaabmatay wakhtigan xukuumada madaxweyne Siilanyo.

xigasho:Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here