Berbera:(Hubaal)-Doon xoolo dibi u badan oo magaalada Berbera ka baxday afar habeen ka hor, kuna sii jeedday dekedda Salaala ee dalka Cumman ay badda ku degtay.
Maamulaha shirkadda Tamarta Shibil Agency, ahaana wakiilka doontii degtay Md. Cabdiraxmaan Cali Warsame, ayaa idaacadda BBC-da u xaqiijiyey inay doontu ku degtay duleedka dekedda Salaala, waxana magaca doontaas lagu sheegay Al-axmediya, ayaa la sheegay inay sidday 593-dibi oo ay ganacsato Soomaali ahi.
Waxa ay wararku intaas ku darayaan in la badbaadiyey shaqaalihii oo tiradoodu ahayd ilaa dhawr iyo toban kasoo jeeday dalka India dhammaantood la badbaadiyey oo ay doomo kale usoo gurmadeen.
Asbaabaha keenay inay doontaasi degto, ayaa warar is khilaafsani kasoo baxayaan, waxana jira wararka qaarkood sheegayaan inay dabaylo xooggani ku kaceen, halka wararka kalena sheegayaan inuu dab qabsaday.