Faahfaahinta Qarax Ka Dhacay Irida Maqaaxi Mashquul Badan Oo Ku Taalla Muqdisho

0
29

Muqdisho (Hubaal) Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacmay, kadib markii gaadhi waxlaxa qarxa lagu soo xidhay uu ku qarxay banaanka hore ee maqaayada Banooda oo u dhaxeysa Taalada Xaawa Taako iyo Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho. Maqaayada Banooda, waxaa ay sidoo kale u dhowdahay Hoteelada Naasa Hablood iyo Centraal.

2017324636259397306574805Qarax d7

Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta qaar  u sheegay, in Qaraxa uu ahaa mid xoogan, lagana maqlay nawaaxiga goobta uu ka dhacay.

Gawaadhida dab damiska iyo kuwa  gurmadka deg-dega ayaa goobta soo gaadhay, qaraxa kadib.

Sanadkii hore, Qaraxa gaadhi loo adeegsaday ayaa ka dhacay isla banaanka hore ee maqaayada Banadooda.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa. Laba maalin ka hor isla Qarax gaadhi loo adeegsaday ayaa waxaa uu ka dhacay difaaca ay ciidamadda Ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaaladda Muqdisho, oo aad ugu dhow maqaayada Banadooda, waxaana Qaraxaasi ku geeryooday ugu yaraan daraasiin ruux. Waa Qaraxii labaad ee shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, waxaana Qaraxii hore uu ka dhacay xaafadda Seeybiyaano ee degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here