Faallo ku saabsan Goob Cusub oo loo yagleelay Xarunta Ciidanka Dab-Damiska JSL
Xarun Dab-Damis mise Xarun Dab-shidid?!
Ugu horayn aan Hambalyo idhaahdo H.E Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, aasaasidda ciidanka Dab-damiska JSL, kaas oo wax badan ka tari doona nabad-galyo darradda iyo shufbeelka halakeeyey maciishadda iyo hantida shacabku ku haystaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo waliba khasaaraha ay arintaasi kala kulmaan, taasi oo si kadis ah ama aan ku talo-gal ahayn u dhacda badanaa, halisna galisa xataa nafahooda, isla markaana aan helin gurmad degdeg ah oo ay u baahnayeen hantiilayaasha mashaqadu ku habsatay, idiin tirin maayo inta mashaqo oo noocan oo kale ah ee dalka ka dhacday oo idinkaa iiga ogaal badan.
Madaxweynuhu wuxuu ka soo baxay waajib saaran, kaas oo ah ilaalinta nabadda muwaadiniinta iyo hantidoodaba waana sababta aan horaantii qormada aan hamblayada ugu diray, se dhibku wuxuu ka taaganyahay ciidankii Dab-damiska oo xarun looga dhigay meel dad shicib ahi iska leeyihiin, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin la wareegidda dhulkan dadku leeyihiin, waliba xoog iyo awood dawladeed loo adeegsaday nin ka mid ah dadkii meesha lahaa oo ku dooday inay iyagu meesha leeyihiin, loogu jawaabay waar qabta, kaxeeya iyo xidha kadib mar uu wasiir Samaale ka hadlayey xafladdii dhagax-dhigga xaruntan cusub, ayaa isagoo hadalkii wada ayaa waxaa mar qudha meeshii ka soo booday nin cadhaysan oo ku qaylinaya: “MEESHAN ANAGAA LEH MAY MA OGOLIN…”, sida ku cad video-gan aad linkan ka daawan kartaan:
https://www.youtube.com/watch?v=e0Cqydmb_gE. Hadaba ninka lamanaan yaabin in isagoo hadalkii wasiirku socdo islamarkaana media-yihii duubayo uu hadalka soo dhex galo oo rabshad iyo cadho wax ku doono oo dee waa nin la dhacay iyo waayihiis, se waxaan la yaabay wasiirka ugu jawaabay isla dagaal ee ciidan iyo shaadh dawladeed u adeegsaday muwaadinkii u cabanayey ee danta mooday Wasiiradii ugu tunka waynaa golaha wasiirada isla markaana islahaa maanta ayaad heshay cid aad cabashadaa u bandhigto oo wax ka qaban karta, se taa lidkeedii loogu jawaabay in amar lagu siiyey ciidanku inay qabtaan oo xidhaan! Waa laba aan is qaban!
Markaa xaruntii la rabay inay noqoto xarunta DABDAMISKA sow isu badali mayso xarunta DABSHIDKA kadib marka uu halkaa ka bilaabmo khilaaf hor leh oo dagaal sababi kara oo aynu garanayno dhibta uu keeni karo haddii la isu xoog sheegto!
Waxaanse qirayaa in Wasiir C/casiis Samaale, wasiirka Maaliyadda JSL, uu yahay nin caqli badan waayo wuxuu qiray in cid laga faromaroojiyey ka hor intii aanu ninkani soo shaac bixinba, waxaana hore loo yidhi: ‘Ninka waxa soo socda aan garani waxa jooga ma garto’ wasiirku halkaa bilad buu mudan yahay.
Waxaan intaa u dhaafayaa isla goobtan oo istiraatijiyad ahaan aan ahayn meel ku haboon in ciidanka dabdamisku galo, waayo malaha waddo ku filan, oo uu dabdamisku cararo marka mashaqo la soo sheego, laba wado oo cidhiidhi ah ayaa u banaan, halka labada jiho ee kale ka xidhan yihiin.
Dhibka meesha jiraa waa dhul la’aan waxaana u sabab ah iyadoo hantidii guud loo tashaday lana xalaashaday oo dad gaar ahi iska macmiishaan, waayo ma maanta ayaa loo waayi lahaa meel ciidan kooban la dajiyo oo danguud ah, waliba inta yar ee aynu ku soconaa waa intii Dawladdii Siyaad Barre dadweynaha ka mamnuucday inay dagaan ama qaataan ee shacab area _Military Zone_la odhan jiray!
Su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay 1990-kii ka dib, burburkii Dawladdii hore kadib miyaan wax dan-guud ah oo la asteeyey jirin?!
Abdillahi A. Caabi
Xilkasnimadu xilkay xasilisaa.
Hargiesa Somaliland
Jaamici442@gmail.com