Madaxweyne Siilaanyo oo Baalasha ka rifay Wasiirkiisii Musharaxa Madaxweynaha hulaabtay!
Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Wasiirkiisii Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale Karkaarka Maaliyada waydaariyey, una bedelay Wasaarrada Waxbarashada.
Kursigani waa ka ugu muhiimsan ee ay saameysay Isku-shaandheyn miisaan leh oo lagu sameeyay Xukuumadda Niskii dambe ee Caawa.
Axmed Siilaanyo, ayaa u Magacaabay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ahayd hore u ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre. Isku bedelka labadan Masuul ayaa micno weyn ka samaynaysa xandaabka Qasriga iyo Bulshada dhexdeeda, waana talaabo lafa eeffa oo dhaawacaysa miisaankii uu Mr. Samaale ku lahaa Golaha Wasiirrada.
Marka la eego xilliga ay ku soo beegantay isku shaandheyntu waxa la filayey in Wasiirka Maaliyadu si toosa uga shubo, maadaama uu yahay Musharax Madaxweyne oo aan hankiisa madmadow ku jirin, laakiinse shaqada Wasaarada Waxbarashada ee loo dhiibay uma eeka mid uu ku sii negaan doono wakhti dheer, wallow ay tahay shaqo uu aad ugu fiicanyahay marka dib loo raaco Sooyaalkiisa taariikheed.
Laakiinse, hadana waayista Xilkan Muhiimkaa ee uu ka tegay, ayaa dhaawac weyn ku ah Kooxda ay wadaagaan mabda’a Siyaasaddeed ee dhinaca u janjeedha, kuwaasoo uu hada hogaaminayey Yoolkooda Siyaasigaa,. Dadka Siyaasadda rog-rogaa waxay aaminsanyihiin in Wasiir Samaale dirqi kaga badbaaday in la eryo, waxay taas u daliilshanayaan culayska kaga yimi Madaxweynaha dhaqdhaqaaqyadiisa hoos-hoos u socda ee uu Xididdada ugu saarayo Madaxweyne Siilaanyo, isagoo adeegsanaya Kooxda Wadaaddada ah ee ay xukuumadda ku wada jiraan.
Dhinac kale, marka laga istaago bedelka Wasiirka Maaliyadu waa arrin laba jeer uu farxi doono Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaasoo marka koowaad soo dhaweynaya inay Awoodiisa dhaqaalle shiiqdo Wasiir samaale, waa marka mar labaade wuxuu guddoomiye Muuse u riyaaqi doonaa Magacaabista Samsam Cabdi Aadan oo ka mida Taageerayaashiisa khaaskaa ee xukuumadda ku jiray loogu dhiibay Wasaarrada Lacagta ee Dawladda.
Guddoomiye Muuse wuxuu helay khariirad uu Qasriga Madaxtooyada iyo Xukuumadda dhexdeeda Kalsooni badan kaga kasban karo hadii hirdameyaasha Kulmiye Musharaxa Madaxweynaha ku loolamaan Shirka Golaha Dhexe ee Xisbigaas. Isku soo wada duuboo isku shaandheyntan cusub ee laga soo saaray Madaxtooyadu waxay toos u muujinaysaa qorshe siyaasaddeedka Taageero raadiskaa ee Hogaamiyaha waddanka.
xigasho:GNA