Ciidammada dawladda caga-jiidka ah ee Soomaaliya ee gardarada ku soo galay soohdinta Somaliland waxay Salaasadii dhadhamiyeen dacarta midhaha weerarkooda gardarada ahaa , waxaanay dhirbaaxo kala kulmeen soo majeesteyaasha ciidammada qaranka ee ku sugan jiida hore ee degaanka Tuka-raq ee gobolka Sool.
Inkastoo Soomaaliya ay shalay saddex jiho ka soo wareerareen ciidammada qaranka haddana waxay ka naasnaasiyeen jabkii ay kala kulmeen, waxaana ciidanka qaranku ay ka furteen gaadiid iyo saanad millatari, iyadoo habqanka ciidankii weerarka soo duulay fadalkoodii afka saaray duleedka Garoowe.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibadii sannad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18ka May uu ka iclaamiyey in Somaliland haatan go’aansatay inay cashar adag u dhigto maleeshiyada Soomaaliya oo uu xusay inay 25 jeer si gardaro ah u soo weerareen ama u soo daan-daansadeen Somaliland sagaashankii maalmood ee la soo dhaafay.
Somaliland oo himiladeeda dhow iyo teeda fog labada ay ka mid tahay inay nabadgelyo kula naalooto jaarkeeda, haddana ma aqbalayso in taako ka mid ah soohdinteeda ay cagaha soo dhigaan cadowga Somaliland ee indhaha adagi.
Ciidammada Somaliland oo aan cidna duulaan ku ahayni waxay nidar ku mareen inay shaanshaan ka ridaan cid kasta oo soo hawaysata xuduuda Somaliland. Waana taas jabka Salaasadii kaga dhacay Soomaaliya degaannadii ay ku soo duuleen.
Sidoo kale waxa shacbiga Somaliland ku diirsaday isla markaana kor u sii qaaday mooraalka ciidanka qaranka luuqadii adkayd ee madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kaga jawaab celiyey duulaanka ciidanka dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya oo lagu sifeeyey inuu kula hadlay luuqadii ku habboonayd.
Sidaas darteed xukuumadda Somaliland wuu ka dhamaaday dulqaadkii ay u lahayd gardarooyinka joogtada noqday ee Soomaaliya laasintay oo lagu tilaamay in hab-dhaqankeedu noqday “HASHA GEELA CUNTA EE HADDANA CABAADA.”
Xigasho: wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.