FAALLO: Wargeyska Haatuf Iyo Masuuliyiintiisa Madaxweynuhu Uu Cafiyay Iyo Xarunta Wargeyska Oo Wali Ciidan Dul Joogo Malaga Yaabaa Inay Jirto Ka Faa’iidaysi Awood Sidii Hubaal Kal Hore Markii Madaxweynuhu Cafiyay Dhacday

0
33

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland maxamed biixi yoonis ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu cafiyay isla markaana siidaayay wargeyska Haatuf iyo masuuliyiintiisa. Hadalkana waxa uu ka sheegay safarkii ay madaxweyaha ugu wada baxeen dalka itoobiya maalintii Shalay.

Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in wargeyska haatuf la sii daayay sidoo kalena guddoomiye yuusuf Cabdi Gaboobena la siidaayay oo madaxweynuhu cafiyay.

Haatuf-iyo-Hubaal

 su’aal ay wariyayaal goobta ku sugnaa ay ka weydiiyeen arrinta haatuf iyo yuusuf ayuu yidhi wasiirku “ saaka haatuf waa la sii daayay Yuusufna waa la siidaayay oo cafis ayuu madaxweynuhu u fidiyay”

iyadoon wax qoraal warqad ahi aanay ka soo bixin xafiiska madaxweynaha maadaama oo madxweynuhu uu yahay ka cafiska u fidiyay masuulkan iyo wargeyskiisaba, hadana waxaynu odhan karnaa wasiirka arrimaha dibadu waxa uu ka sheegay media-yaha isaga oo ku hadlayay afka madaxwenaha iyo kan xukuumad ahaanba.

Hadaba waxa wali sidii u xidhan xaruntii wargeyska haatuf oo askar sidii u dhex fadhidaa, Yuusuf Cabdi gaboobe oo markii uu jeelka ka soo baxay kadib tagay xarunta wargeyskiisa ayaa la kulmay ciidankii la dhigay goobta oo jooga waxaana uu u sheegay in la siidaayay isaga iyo wargeyskaba, balse askartaas ayaa ugu jawaabtay “anaka wali la nooma keenin warqad aanu kaga baxno halkan” intaa kadib yuusuf waa uu iskaga tagay isagoo qaatay waxa ay ku hadleen oo uu u arkaayay sharci mar hadaan amar ka bixis ah la soo siin.

by moustapha Mohammad

 

Si kastaba ha ahaatee xukuumaddan ayaa lagu yaqaanaa kala hadalka iyo inay isbarbar yaacaan, waxaana jirta oo mararka qaar dhaca in amar madaxweynaha ka soo baxay oo meelo soke ku yar hakada isla markaana aanu madaxweynuhu ogayn balse masuuliyiinta qaar ay ku yar taagnaadaan, taasina waa mid lagu bartay xukuumadda Siilaanyo,

Aan inyar idiinka sheego arrin cadeynaysa in waxan oo kale ka dhacaan xukuumadda siilaanyo, waxa dhacday markii uu wargeyska Hubaal xayirnaa ee uu madaxweynuhu cafiyay masuuliyiinta iyo wargeyskaba, hada wargeyku immika wuu xayiran yahay 7 bilood iyo jar-jar balse waxay ahayd markan markii ka horaysay cafiska madaxweynha waxa ku lifaaqnaa warqad loo dhiibay jananka booliska waa Fadal ‘e iyadoo goor habeen ah oo shaqaalihii wargeysku ay islahaayeen hawshiinii gala ayaa waxa mar keliya ka soo dul degay ciidan saddex baabur ah watay oo aan ku qiyaasay ilaa soddomeeyo askar ah, waxaa wata taliye magaciisa waxa laygu lahaa ma xusuustee malaha waa Jaani, waxa uu leeyahay ka soo baxa la idinma fasaxin waliye.

Waxa u jawaabay maareeyaha wargeyska Maxamed Caloolay oo isagu fadhiyay xaruntiisa isla markaana ay weheliyaan waxoogaa dhalinyar la fadhiday isaga iyo shaqaalaha meesha., waxa uu caloolay ku yidhi “waar aniga madaxweynaha ayaa I cafiyay oo ii furay meherada ee yaa kale oo aydun ka hadlaysaan idinku”

Taliyihii watay ayaa yidhi “anaka ammar ayaa lana soo siiyay oo meesha soo xidha ayaanu qabnaa” raadiyowga gacanta uu ku haystay ayaa waxa laga maqlayaa cod leh “ma soo xidheen meheradii, kuwa fadhiyana ka soo saara haday idin diidaana xoog kaga soo bixiya” waa taliye aan islahaa waa ka soo amray taliyahan kale ee isna askartan kale amarka siinaayay.

Inaa kadib caloolay ayaa yidhi “ kici mayno hadii Bilaal uu eedaamo ee ma idiinla hadlaa madaxtooyada”

Waxa uu taliyihii ku jawaabay “ horta walaal aniga imaqal oo inyar dibada u soo baxa si aan u idhaahdo waan ka soo saaray”

Meesha waxa isugu yimid dhamaan dhalinyaratii xaafada oo askartiiba ka fara batay iyadoo xaalada goobtu buuq iyo fara ka hadal ciidanka iyo dhalinyarada isu badashay ayaa wali waxa hadalkiisa wanaajinayay Caloolay oo telefoonkii madaxtooyadu u galay markii dambe waxa la hadlaayay xoghayaya madaxweynaha inanka la yidhaa Cali, dabadeed caloolay ayaa u sheegay in askar badan la dul keenay oo meheradii aanay shaqaynayn intaa kadib ayuu cali yare ku yidhi “ wax dhici kara maaha ee iyar sug aan la hadlo jananka e” .

Askartii oo dul taagan caloolay oo leh “miyaanu ku jiidhnaa oo xoog baanu kuu adeegsanaa” ayaa waxa telefoon ku soo dhacay Jaani kii la lahaa inyar ka dib jaani ha yidhaahdo “jooga…jooga waar inaga soo saara khalad baa dhacaye waar raali ahaada ilmaadeerayaal” waxaa la hadlay oo canaan isdaad raacin ah dhagaha ku gooyay ilayn janankii booliska C/laahi fadal oo inyar kadibna la soo hadlay caloolay oo ku yidhi “ ma dhibaato ayaad qabtaa? Qalad baa dhacay aniga xagayga ka yimid oo runtii warqadii lagugu sii daayay saaka ayaa la ii keenay laakiin jeebkayga ayaan ku ilaabay ee raali noqo”

Caloolay oo aad moodu in isagu uu qaladka sameeyay ayaa yidhi “dhibaato ma jirto C/laahi waad mahadsantahay”

Hada ku darso oo Caloolay hadii uu markaa iskaga bixi lahaa meherada oo uu amarka askarta qaadan lahaa oo aanu lahadal ku sameen xafiiska madaxweynaha arrintu maalmo ayay u durki lahayd oo cadaalad daro ah waliba

Markaa bal idinku dadweynow isweydiiya arrintaa uu ku marmarsiyooday jananka dhan ee booliska dalku wax ka dhaha?

Gabagabadii Waxa looga fadhiyaa haayadaha arrintan ku lug leh inay si dhakhso ah wax u eegaan oo aanu dalku noqon meel masuul kastaaba awooda loo dhiibay ku isticmaalo dano gaara

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here