Faallo: Xisbi Fashilmay Iyo Umad Xulasho Darran

0
35

Xaasha’e, kugu odhan maayo fadhiiso annigoon hayn sabab aan kugu dajiyo sidda Xukuumadda iyo warbaahinteeda. Haaheey, iyaddoo aanan ku hordhigin sabab maangal ah oo maskaxdaadu kaga nasato is weydiinta ay ka soo celinayso odayaashan cumaadaha isku wadda eg loogu soo labiso iyo masuuliyiintii hawlaha qaran loo dirtay ee haddana murashaxnimadda odayga aan xiligiisu dhamaan u Gogol xaadhaya ma qori doono nabad-gelyadda illaaliya.

muuse vs silanyo

 

Sidoo kale, caadifad kugu hawl-gelinmaayo iyo tolaay sida xubnaha dhinaca kale taagan. Kuwaas oo aad moodo inaanay is dhagaysane ay barteen goljilicda shacabka iyo in maalin walba loogu gurmado Tolaay.

Ha igga fillan sidoo kale inaan dhacdooyinka maalinlaha ah oo aad moodo in dadweynaha reer Somaliland ay ku xidhan-tahay cadhadooda iyo farxadooduba ku koobo qalinka.

Laakiin, su’aal ayaa mudan in la is weydiiyo…Xisbigan la isku haystaa waa kumma…hoggaamintiisa ma la mahadiyay…maxay madaxdiisu isku haysaa…sharci ma ka shaqeeyaa guddihiisa mise waa la isku muquuniyaa?

Khilaafkan hadda socdaa waa kii immisaad? Maxaa lagu xalin jiray kuwii hore?

Boqolaal su’aalood ayaa ina horyaalla marka aynu Kulmiye ka hadlayno..

Aan xusuusta ku celiyo maalmo kooban ka hor waa Novembar 8, 2013, iyo Faallo taxane ahayn oo Wargeyskan Saxafi ku falanqeeyay.. oo sumadeedu ahayd “Falanqaynta Wejiyadda Khilaafka Kulmiye Ee Soo Noqnoqday”

Maalmahaas waxaa soo shaacbaxay khilaaf huursanaa oo ka dhex-jiray Kulmiye, xiligaas lafteedda shacbigu ma fahmin waxaa la isku hayo balse waxaa ay dareemeen uun in la isku diidanyahay awood. Xalay oo kalle waxaa lagaga dooday madaxtooyadda, habeen hore oo kallena dhex-dhexaadin baa la galay fashilantay. Tii ka horeysayna waxaa la isla qaatay guddi, maantana waa la isku diidanyahay ayaa shacbigu ku dhego-barjoobay. Iyaddoo weli loo dheg-taagayo halka ay ku danbayn doonto. Waa tabtii maantana.. waa isku midab iyo dhadhan…waxaanad moodaa in dadku aanay shalayba is weydiin..mar hadii uu soo noqnoqdayna waxaa khasab Qalinka ku ah inuu soo nooleeyo Qormadii shalay oo uu milicsaddo mar kale…

Xiligaas waxaa aynu xusnay in Xisbigan khilaafku la dhashay oo waxaa aynu tusaale u soo qaadanay..Shirweynihii labaad ee xisbigaas oo ku qabsoomay Hoteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa March 2008…oo aynu nidhi Waa halkii la isku seegay ee hadana la isu aamusay ilaa la isla tagay Burco oo toos loo kala saftay. Waxaa aynu tilmaanay in Cabdiraxmaan Aw Cali oo doorashaddii 2003, u sharaxnaa madaxweyne ku xigeen iyo murashaxii Madaxweynaha Axmed Siilaanyo ay isa seegeen oo Madaxweyne Siilaanyo ka dul-guuray. Waxa aynu tilmaanay in 2008 Muuse Biixi Cabdi ku dagaalamayay sidii uu u heli lahaa guddoomiye nimadda xisbiga haddii uu waayay murashaxnimo. Si uu waayaha danbe oo doorashadda hada la sugayaa ka mid-tahay uga dhursugo,. Qodobadani waxaa ay ka mid ahaayeen arrimaha ugu waaweyn ee muuqday ee lagu kala duwanaa aragti ahaan, iyaddoo saddexdan xubnoodna kala hoggaaminayeen. Toos baa loo kala gurtay, Xumaddii iyo xiisabaddii afkaartuna waxaa ay abuurtay garabyo aan isu tudhin. Muuse Ayaa Hargeysa dib ugu dhacay, iyaddoo shirkii golaha dhexe ka furmayo Burco,. Waxaana loo arkayay inuu ka hor shirka doonayay in loo cadeeyo in guddoomiyenimadda lagu wareejinayo. Siddaas oo ay ahayd, City Palaza Hotel-na waxaa ka aloosnaa hirdan laba garab oo Cabdiraxmaan Tolwaa iyo Axmed Siilaanyo kala hoggaaminayeen xiligaas waxaana damaciisii rumoobay Madaxweyne Siilaanyo oo ku xigeen ka dhigtay Cabdiraxmaan Saylici. Sidoo kale, waxaa uu Axmed Siilaanyo ku fara adaygay Muuse Biixi oo uu u ogolaaday in loo caddeeyo kala saarista guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxweynaha, waa haddii lagu guulaysto doorashadda oo uu Kulmiye soo baxo.e. waxaa intaas dheeraa Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa uu isna u balanqaaday kursi aan jirin oo raysal-wasaarenimo markaas si uu ugu yaraan u wiiqo awooddii kala jabisay Xisbiga. Inta aynaan xaaladda waqtigan ka hadal aan dib u sii raacno geedigaas oo aynu soo qaadano February 25, 2003 iyo shirkii golaha dhexe ee  Xisbigaasi ku doortay Murashaxiinta Madaxtooyadda oo cadaynaya in hadba oday ama odayaal lagu sadqaynayay.

Shirkaasi laba maalmood buu ka socday Hoteelka shaqaalaha ee magaalada Hargeysa. Wuxuu ahaa Kulmiye xiligaas weli urur, wuxuuna musharaxa Madaxweynaha u doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) halka ay musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka u doorteen Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax oo markaas ka hor ahaa gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee ururkii ASAD, ka dibna maalmo yar uun shirkaas isaga oo hogaaminaya qayb ka mid ah ururka ASAD ku biiray xisbiga KULMIYE.

Ma jirin cid kale oo Axmed-Siilaanyo kula tartantay musharaxnimada Madaxweynaha, sidaa darteed cod aan loo kala hadhin ayaa lagu ogolaaday musharaxnimadiisa, laakiin musharaxnimada jagada Madaxweyne-kuxigeenka waxa xisbiga KULMIYE dhexdiisa isaga soo sharaxay ilaa 7 xubnood waagaas, waxaase ugu dambayntii meesha ku soo hadhay 4 xubnood oo keliya, taas oo ay saddexda xubnood ee kale siyaalo kala duwan meesha uga baxeen.

Xubnaha xisbiga KULMIYE ee isu soo sharaxay jagada Madaxweyne-kuxigeenka waxa ka mid ahaa Cabdi Xasan Buuni, C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, Dr. Maxamed Xaddi Axmed, Cabdi Maxamed Jaamac (Gaagaale)..Raggaasi waxay wadda ahaayeen Kulmiye marka laga reebo Cabdiraxmaan Aw Cali afar iyo labaatan saacadood ka hor shirka loogu dooranayo murashaxa kaga soo biiray Asad. Isaga ayaana ragii oo dhan kaga adkaaday madashii waayo waxaa watay Axmed Siilaanyo.  Sow arki maysid…Dagaaladdii Kulmiye dhexdiisa, sow ma aynu muujinay, in xili kasta oo doorasho madaxweyne, gaar ahaan labaddii door ee uu ina soo maray tartanka tooska ahi ama shirweynayaashii Kulmiyeba uu garab ka mid ahi jabayay, hadday tahay kuwaa hore ee Cabdi Xassan Buuni iyo Maxamed Rashiid Sheekh Xassan lahaa iyo haddii ay tahay kuwii danbe ee Cabdiraxmaan Aw Cali ku jiray ee markaa hore bara-saaray odayaasha 2003, iyana laga dul-geliyay Cabdiraxmaan Saylici 2008. ka sokow, hadba kooxdaa baxaysay, waxaa jiray tartan aan lala kala gaban oo aynu ka soo xusnay iyana dagaalkii Muuse Biixi galay shirweynihii 2008. Ma uu nasan Xisbigu ilaa markii uu Xisbigaasi taladda Qabtay ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo guddoomiye ku xigeenadiisa ahaa Xooga lagaga tukhaantukhiyay kulan loo dhamaa. Waxaana inta badan shirweynayaashaas guulaysanayay Madaxweyne Siilaanyo hadba cid guushiisa badhi taartaba. Xataa markii uu madaxweynaha noqday waxaa soo baxay dagaal ka dhexeeya guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo iyana lagu kala food-qaaday dhawaan..ka dib markii Muuse Biixi Baraxday xilka Guddoomiyaha. Islamarkaana Cabdicasiis lagu qanciyay inuu dib u fadhiisto. Waxaana sidaas ku qabsoomay shirweyne aan cid ka dareertay la arkayn…laakiin marka hore ku qabsoomay dirqi iyo tu xun. Laakiin, waxaa mar kale uu Cirka isku shareeray markii Muuse Biixi cadeeyay inuu u sharaxanyahay madaxweyne maadaama uu yahay guddoomiyihii Xisbigana. Halka Madaxweyne Siilaanyana iska sii qorshaystay in mar labaad laga doorto Xisbiga Kulmiye oo isaga iyo taageerayaashiisu aaminsan-yihiin in aanay ka gaadhin guul u dhiganta tacabkii ay galiyeen iyo inay Muuse Biixi rag badan oo kale dartii u laayeen. Tan badalkeedda waxaa Muuse iyo shacbi xoogan oo la socdaa filayeen in Madaxweyne Siilaanyo is barbar taagayo murashaxnimmada Muuse iyo inaanu isla sharaxayn mar haddii aan isba ciddi ku qurdinin intii uu xilkaas guddoomiyaha hayay.

Kani waa khilaafkii ugu cuslaa ee soo waajaha xisbigan is muquuninta ku caanka baxay. Sababtoo ah waxaa is haya Guddoomiye xisbiga hoggaamintiisa loo doortay iyo Madaxweyne Xisbiga laga doortay…waxaana laga cabsi qabaa Isku dhac..halis ku keeni karra amaanka dalka. Sidaas oo ay tahay waxaa muddan in Shacbigu is weydiiyo…Inta aan hebelo la eegin. Xisbigan Hoggaamintiisa dalka ma lagu liibaanay…waa ay jiraan dad aaminsan inuu horumar badan uu sameeyay laakiin, waxaa loo badan-yahay oo bulshadda xoogeeddu u aragtaa marka xaqiiqda la eego Maya…ee laguma liibaanin.. “Xisbiga ma taageersanayn…Sharcina ma socdo oo weligiiba Kulmiye xeerarkiisa ma dabaqine is jiidhsiin buu ku wadda socday. Laakiin, waxaan diidanahay Odaygan doonaya inuu Mar kasta dadka ku guuro ee aan cidna waxba u ogoleyn. Ta kale, waxaan Muuse u taageerayaa isagu Cidlo ayuu taaganyahay. Siilaanyana waxaa uu ku dagaalamayaa awoodii Qaranka” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah taageerayaasha sidda adag ulla socda. Ku kale oo isagu la socda Xukuumadda ayaa ku dooday. “Hadii Muuse hore Siilaanyo ugu hiiliyay. Madaxweynaha laftiisuna raggii kale oo dhan ayuu Muuse dartii u laayay waxaana la isku oggaa in Guddoomiyaha uu qaato Muuse..Murashaxana Siilaanyo.”

Si kastaba ha ahaatee, waxaa socdda waan-waan la isugu soo dhaweynayo labadan dhinac oo aan weli natiijadeedda la saadaalin karrin. Mana fiicna in qalinku dedaaladaas xogo dhabarjab ku ah keeno’.e bal faaladda aynu halkaas ku hakino.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here