“Faan-Weynaa Ramaax!!! Ma Isaga Ayaa Siduu Doono Iskaga Hadli Kara?”

0
37

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)cali guray 2

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiye Ku-xigeenkii Saddexad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa naqdiyey hadal uu guddoomiyaha gobolka Awdal ku naqdiyey dawladda Jabbuuti kaasi oo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay kula socoto eedahaasi.  Cali Guray ayaa Sheegay  haddii aanay dawladu kula socon Ramaax eedaha isdaba joogaha ee uu u jeedinayo Jabuuti ay wakhti horeba xilka ka qaadi lahayd. Waxaanu yidhi. “Imika Ramaax ma aragti shakhsi oo isaga u gaar ah baa? Faan waynaa! waar waa laga dhex hadlayaa waana lagu ogol yahay inu sidaa u hadlo. Miyaanu masuul xukuumadda xil u haya ahayn? Ma isaga ayaa siduu doono isaga hadli kara? Maalintii ugu horaysaba hadii aan raali lagaga ahayn xilka ayaa laga qaadi lahaa markay saqda dhexe tahay. Markaa sidaa u hadal baa la yidhi cid wax ku odhan kartaa ma jirto oo anaga ayaa kugu ogol eh. Oo may iyagu hadlaan ilayn tani waa dhuumasho dhabarku muqdo oo waa mafhuum eh”.

Source: WAAHEEN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here