Faddeexadda Heshiiska Ganacsi ee Wasiir Maxamed Xaashi la galay Shirkadda FLYDubai

0
56

Isku-daygii la wareegista NASHA iyo weerarka Curyaaminta Ganacsiga Madaniga

Dubai(Hubaal)-Warar Wargeyska Yool oo laga soo xigtay ilo-diblomaasiyaddeed, ayaa lagu sheegay in shirkadda Fly-Dubai, oo ay duulimaadyo cusub 5th March, 2015-ka ka bilaabi doonto gudaha Somaliland, kadib heshiis ku kacay 3, Milyan Dolar, oo si qarsoodi ah shirkadda iyo Wasiirka Duulista Somaliland ku galeen dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiir-XaashiMa jiro war rasmiya oo  amuurtaas ku saabsan oo kasoo baxay Wasaaradda Duulista iyo Xukuumadda toona, kaasoo lagu shaaciyey Heshiiskan wasiirka dhex maray Shirkada Carbeed, Hase-yeeshee, sida ay xoggahani tibaaxeen, waxa masuuliyada heshiiska Wasiirku la galay uu si gaar ah u khusayn doonaa labada dhinac ee qalinka ku-duugey [shirkadda Fly-Dubai iyo Wasiirka Duulista Somaliand], Md. Maxamuud Xaashi.waxa kale dhaqan-galkiisu uu meesha ka saarayo masuuliyadda iyo doorkii maamul ee Xukuumadda Somaliland ku lahayd arimaha noocan oo kale ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi dhankiisa Wakiilnmada shirkadda Fly-Dubai ee Somaliland uu u igmaday Mulkilaha Xarunta Safeway Travel Agency Cumar Siciid, halkaasoo  Xafiis Madaxbannaan oo laga goosto Tigidhadda shirkaddaha diyaaradaha qaar, soona saara sida la tilmaamay soo saaraa Visse-yaasha meelo badan oo Caalamka ah, siiba wadamadda Khaliij Al-carab, kaasoo geesta kalena dhawaan la wareegay fududeynta Safarada Madaxtooyada ee dibadaha, haday tahay Kireynta Diyaardaha Khaaskaa ee Madaxweyne Siilaanyo ka raaco dalka iyo bixinta Tigidhada Safarda Madaxtooyadu kharashka ka bixiso.

Lama oga sababta Wasiir Maxamuud Xaashi gacanta saddexaad ugu wakiishay howlaha farsamo ee Shirkadda uu heshiiska Ganacsi la galay, hase ahaatee sida xoggaha qaar lagu sheegay, waxa ujeedada heshiiska Wasiir Duulistu sida gaarka ah ugu galay Magaciisa lagu fasiray inuu yahay mid uu ugu talo-galay inuu ugu noqdo Mus-dambeed haddii-ba ay dhacdo in Xukuumadda uu ka tirsan yahay lagaga adkaado doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

Dhanka kale, xidhiidho Wargeysku la sameeyey Wasiirka Duulista, iyo sidoo kale, Masuuliyiinta Wasaaradda si dhankooda-na wax-looga-weydiiyo jiritaanka heshiiska, iyo weliba sida wax uga jiraan in Xukuumadda Somaliland haba-yaraatee aanay, waxa doora ku yeelan doonin Masuuliyadda iyo hawlaha shirkadda Fly-Dubai, marka laga reebo adeegyada Madaarada dalku u qabtaan diyaaraddaha duulimaadyada isku xidha dibedda iyo kuwa gudaha ku sameeya Jamhuuriyadda Somaliland, ayaanay noo suurto-gelin, kaddib markii wasiirka iyo Saraakiisha xafiiskiisuba ka jawaabi waayeen xidhiidho xagga Telefoonkaa oo aanu la samaynay, maalmihii u dambeeyay.

Diyaarinta howllaha Duulimaadyada Shirkada FLYDUBAI, oo hada si tartiib-tariiba uga socda Xafiiska Safe Away iyo dalka isutaga imaaraadka carabta, ayaa waxa haatan hogaaminaya xagga Somaliland Ninka uu Wasiir Xaashi u wakiishay, kaasoo hore Wasiirro uu ka mid yahay  Maxamuud Xaashi ay isku dayeen inay ku wareejiyaan Shirkadiisa maamulka amaanka iyo Adeegyada Madaarada Somaliland oo ay gacanta ku hayso Shirkad waddaniya oo magaceeda la yidhaahdo Nasha, taasoo ku-talo-galka Xukuumadda ee uu Wasiirka Duulistu hogaaminayaa ahaa in albaabada loo laabo, kaddibna Shaqada ay qaban jirtay la siiyo Shirkad ay wada-wateen Cumar Siciid iyo Xubno sida la sheegay u dhashay dalka Itoobiya, fadhigooduna yahay Addis-ababa.

Wararku waxay sheegayaan in markii uu guul-daro ku dhamaaday weerarkii ay Xukuuamddu ku doonaysay inay ku laalaabto howlaha Shirkada fududeynta Adeegyada Madaarada ee NASHA, ay kooxdan uu hogaaminayo Wasiir Xaashi ka fad-kudiyeen wada-hadalo ay la galeen Shirkadda Fly Dubai, taasoo sababta ay u galeen lafteeda loo arko arrin qayb ka ahaa gulufka ay ku fashilmeen Shirkada NASHA ay kaga qaadayeen Adeegyada ay maamusho, iyagoo taasi bedelkeeda isku dayaya inay sameeyaan Olole balaadhan oo ay ku gil-gilayaan Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines oo ay wada leeyihiin Mawaadiniinta iska-leh Shirkadda NASHA.

Dadka lafa-gura Arrimaha Ganacsiga ee u dhuunta daloolla hindisaha ay duulimaadyada kaga bilaabayso Dalka Shirkadda FLYDUBAI,  ayaa farta ku fiiqaya inay xulafada Wasiir Maxamuud Xaashi hogaaminayaa, u muuqdaan inay hada cagta saareen dariiq ay ku doonayaan inay culays ku saaraan Shirkadaha Duulimaadyada. Waxay intaas ku darayaan falan-qeeyayaashu inay talaabadani tahay mid nusqaan weyn ku ah dhexdhexaadnimada Dawladnimo iyo Ilaalinta Xuquuqda Muwaadiniinta.

Dhanka kalena, Marka laga yimaado faddeexaddaha maamul iyo kuwa qaran ee dhacdani xanbaarsan tahay, waxa kaloo, iyana xusid mudan culayska dhaqaale iyo cidhiidhiga shirkadda Fly-Dubai ku keeni karto shiraddaha Maxaliga ah ee Muwaadiniintu leeyihiin, kuwaasoo markooda hore-ba la daalaa-dhacayey culayska kharshiyaadka shaqaalaha iyo duruufaha dhaqaale ee ku gedaaman, halkii ay ahayd si shirkaddaha Maxaliga aanay u Musalufin ama u kicin inay Xukuumadu u dejiso qorshe iyo Istaraajiyad lagu ilaalinayo dhaqaalaha Muwaadiniita, haddii Xukuumadu tahli-weyday inay samayso Sanduuq lagu Kaydiyo Maaliyadd lagaga hor-tago dhaqaale burbur ku yimaada shirkaddaha Waddaniga ah.

Loollanka Duulimaadyada iyo Wel-welka Xagaa-baxayaasha Somaliland

Shirkadda Diyaaradaha ee FLY DUBAI oo  fadhigeedu yahay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, ayaa Bishii October ee Sanadkii 2014-kii ku dhawaaqay inay si rasmiya u bilaabi doonto Bisha March ee sanadkan 2015, Duulimaadyo ay isaga gooshayso Madaarada Somaliland iyo wadamada Caalamka, addeegaasoo ay Shirkaddu shaacisay inay ku fidinayso qiimo naasila oo xagga Tigidhada ah , Diyaarado Raaxo leh iyo waliba hufnaan shaqo oo kaamila.

Talaabada ay horaanta Xaggaaga ku bilaabayso Duulimaadyadeeda Somaliland Shirkadan kor ku xusan ee uu Wasiirka Duulistu Heshiiska la galay, ayaa culayska ay ku soo kordhisay Shirkadaha Duulimaadyada ee hore dalka uga shaqayn jiray, sababtay  inat durba qaar ka mida Shirkadahaasi  sameystaan istaraatiijiyad ay kula tartamayaan Shirkadan carbeed oo dhaqaale ahaan iyo adeeg ahaanba si fudud suuqa uga saaraysa hadii ay soo cago-dhigato Somaliland.

Tusaalle ahaan Shirkaddaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines oo awal hore dhexdooda tartan ka dhexeeyay, dhinacna kala hirdamayey Shirkadda Ethiopian Airlines oo sanadkii la soo dhaafay Duulimadyadeeda  dib uga  bilowday Madaarka Hargeysa, kaddib markii ay muddo shan sanno ku dhow ka maqnayd Saaxada Somaliland, ayay haatan dantu ku khasabtay inay furan  bog cusub  oo ay Macaamiishooda gu adeegayaan si aanay ugala wareegin FLY Dubai, waxaanay Heshiis iskaashi oo noociisa ay isticmaalaan Shirkadaha waaweyn ee dunidu daboolka ka qaadeen todobaadkii la soo dhaafay aakhirkiisii.

, “Suurta gal maaha in aan dib u noqono. Waxaan isku deyeynaa in aan awoodeena isu geyno, si aan u wajahno caqabadaha cusub”.sidaasi waxa yidhi Agaasimaha Shirkada Daallo Airlines Maxamed Yaasiin Collaad oo ka hadlay midowga labada Shirkadood ee Diyaaradaha.

Isbahaysiga labada Shirkadood ee Daallo iyo Jubba ayaa  loogu magacdarey African Airways Alliance, waxaana ay ballan qaadeen in ay kordhin doonaan duulimaadkooda dalal cusub isla markaana ay wax ka bedeli doonaan adeegooda, iyadoo marka dib loo eego wacyigii ay Bulshada reer Somaliland ka soo saareen ay muuqato inay abaal badan ku leeyihiin waddanka oo aanay si fudud ku waayi doonin Macaamiishooda, khaasatan Shirkadda Daallo Airlines oo Duulimaadyada bilowday sanadkii 1994-kii iyadoo ay waddanka ka jirto xaalad nabad-gelyo daro oo aan laysku halayn Karin ammaanka Madaarada.

Walaaca u khaaskaa  FLYDUBAI

Marka laga yimaado arrimahan oo dhan iyo hirdanka Ganacsi ee la waajahayo Xaggaaga marka ay qurbo-joogta Somaliland dalka dib ugu soo laabanayaan, waxa jira dareen aad u xaasaasiya looga muujinayo Shirkaddaha Shisheeye ee waddanka ka shaqeeya xilliyada ay Mashquulka yihiin safarada Somaliland ee dibaduhu,. Markaasoo ah wakhtiga xaggaaga ee ay Dadka reer Somaliland ee qurbaha ku nooli dalka soo booqdaan si ay bilaha xaggaaga ee ay fasaxa ka yihiin Shaqooyinka dalkooda iyo dadkooda u soo booqdaan.

Waxa laga wel-welsanyahay inay Shirkadani intay muwaadiniinta dibada ka soo dhoofaya dalka keento, kaddibna marka uu dhamaado daabulka dadka xaggaaga ee waddanka imanayaa ay joojiso duulimaadyada, sidii dhacday labadii sannnadood ee u dambeeyay oo  ay dad badan oo dibada ka yimi xanibmeen waddanka markii wakhtigii  fasaxu ku dhamaaday.

“Djibouti Air markii ay joojisay duulimaadyadii ay bilowday 2013-dii, waxa galaafatay dad badan oo dibadaha ka soo raacay oo ay kala goosatay lacagtii Tigidhada ee laabashada. Waxay ahayd faddeexadii ugu weyn ee waddanka ka dhacday, boqol qof dad gaadhaya oo soo raacay ayaa waxay ku noqdaan waayay oo wakhtigii fasaxyada shaqadu ka dhamaaday oo ku silic ku muteystay safarkii ay dalka ku yimaadeen” sidaas waxa Wargeyska Yool u sheegay khabiir muddo dheer ka shaqaynayay Xarumaha Diyaaradaha ee Somaliland.

“Shirkadaas waxa damaanad ah ama Deposit ah Dawladdu kamay qaadin, markii ay goosatayna waa lays waydiiyey uun, markaa waxaan isweydiinayaaa maxaa uga damaanada Qurbo-joogta Somaliland Shirkadan Carbeed inaanay sidaa taas oo kale xaalladeedu noqon oo dadka lugooyo u geysan.” Ayuu warkiisa raaciyey.

xigasho:Gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here