Cukuse oo Sara-jooga ku eryay Qasnajiga Telefishanka iyo Khilaaf Madaxtooyada gaadhay
Hargeysa(Hubaal)-Inkastoo Murranka, Khilaafka iyo Mu’laaqa-maamuul intuba noqdeen kuwo Jilba-dhigay, isla markaana dhex-barriinsaday Wasaaradda War-faafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale-na maqalka dhacdooyinkaasi xayndaabka Wasaaradda, goobaha bulshadu ku kulanto ee Caasimadda iyo Gobollada qaarkood ka noqdeen kuwo joogto, arimahaasoo si-kastaba ha ku yimaadaane, ah qaar inta badan masuuliyadda eedooda dusha laga saaro Wasiirka War-faafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), halka xuddunta curashaddoodana lagu xidhiidhiyo inay yihiin kuwo salka ku haya loollan dhaqaale iyo is-muquunin dhinaca awoodda ah, kuwaasoo marka danbe ama lagu kala roonaan jirey, ama’se in waxooga ah is-jiid-jiidkoodu uu sii socon jirey, kadib-na sheekaddooda halkaa lagu laabi jirey.
Haddaba dhacdooyinka taxannaha noqday ee Wasaaradda War-faafintu, waxa sheekadoodu isbedeshay xiddiguna Godkii hore ka guurtay Barqonimadii Shalay, waqtigaasoo abid dhacdadii ugu foosha xumayd ka dhex-qaraxday xayndaabka Wasaaradda, gaar ahaan Afaaf-wadareedka laga galo Xafiisyadda Wasiirka iyo Maareeyaha TV-ga Qaranka, oo hal dhisme ku wada-yaal.
Sida lagu sheegay xoggo Wargeysku ka helay goob-joogayaal, dhacdadan ayaa ahayd mid isugu jirtey gacan-ka-hadal, cay iyo af-xumooyin Wasiirka War-faafintu isugu daray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda War-faafinta Md. Maxamed ilka-case, kadib markii sida iluhu xuseen Aggaasime ilka-case isku deyey inuu ka warsado Wasiirka eriga Maryan Diiriye Samatar, oo ahayd Khasnajiga Guud ee TV-ga Qaranka, iyo sidoo kale, asbaabaha keenay eriga ama bedelkeeda?. Waxa kaloo, tibaaxaha qaar tilmaameen Agaasimuhu inuu su’aalay Wasiirka sababta keligii uu go’aankan ku qaato, isagoo aan waxba kala socon.
Waxa wararku intaa ku darreen, markii hadalo odhaahdoodu sidaa u dhacayeen Aggaasimaha Afkiisa kasoo dhammaadeen, ayaa Wasiir Cukuse oo hortiisa taagnaa, waxa uu Aggaasimihiisa ugu jawaabay erayo, sida la sheegay suuqdi ah, oo aynu ka xusi karno; ‘Shaqadaada Maaha … Maxaa kaa galay … Meesha [Wasaaradda] miyaad ila haystaa…’. Hase-ahaatee, markii Wasiirku intaa is-daba-dhigay, halkaa kumuu joogine, waxa dhacday warqad Agaasimuhu u keenay Wasiirka oo uu gacanta ku hayeye, ayaa tallaabadii taa xigtey Wasiirku inta uu duuduubay, waxa uu shafka kaga dhiftay Aggaasime ilka-case, kadib-na Md. ilka-case oo mar-kale ku guda-jira Gacan-qaadka Wasiirka, waxa mar-labaad Wasiir Cukuse uu hal Feedh ku riday Aggaasimaha, hase-yeeshee sida lagaga soo waramayo dhacdadan foosha-xun, waxa durbadiiba labadda masuul soo kala dhex-galay Weriye iyo xubno kaloo meel agtooda ah taagnaa, kuwaasoo sida la sheegay hor-joogsaday in gacan-ka-hadal intaa ka badani uu meesha ka dhaco, isla markaana Wasiirka iyo Aggaasimaha u kala kaxeeyey jihooyinka Xafiisyadoodu ka xigeen.
gacan-ka-hadalka iyo qalalaasahan, ayaa wararka qaar, waxa ay sababtiisa ku xidhiidhinayaa qoraal dalab-kharash ah oo Wasiir Cukuse u-diray Khasnajiga Guud ee TV-ga Qaranka Maryan Diiriye Samatar, kaasoo Khasnajiyadu aanay Wasiirka wax-jawaab ah kasoo siin, dalabka kharashkaasoo sida wararku xuseen ku xidhiidhsanaa hawlihii shaqo ee la qabtay Xuska Maalinta Afka, Maalintaasoo ku beegnayd dabayaaqadii Bishii 2-aad ee ina dhaaftay.
Maaha markii ugu horreysay ee Wasaaradda War-faafinta uu ka qarxo khliaaf iyo Mu’laaq-maamul oo salka ku haya loollan dhaqaale iyo awood kala riixasho, hase-yeeshee waxa tiraba dhawr jeer Wasaaradda War-faafinta ka dhacay arimahan oo kale, kuwaasoo mararka qaarkood is jiid-jiidkoodu gaadhay ilaa iyo qasriga dalka looga arimiyo ee Madaxtooyadda, halkaasoo noqota meesha aakhirkii uu kusoo af-go’o muranadaasi, geesta kale, Muranadaas muddada soo taxnaa, ayaa masuuliyadooda, waxa badi dusha loo saaraa Wasiirka War-faafinta Cukuse, oo sida la sheego, isagu inta badan curinta ama abaabulka arimahan ku raadiya dhaqaale iyo derejo inuu kaga helo Madaxtooyadda, sidoo kale-na ujeedadiisu tahay in Madaxtooyadda looga aqoonsado masuul ku hawlan arimo danno ugu jiraan Xukuumadda. Hase-ahaatee, waxyeelo iyo waxtar midkay yihiin Ninkii caqli lehi wuu garanayaa, bulshaduna xaqiiqadda way kala og’tahay.
Source:Wargeyska Yool