Fadeexadda Kulan Madaxtooyadda Iyo Masuuliyiinta Saaxil Kaga Wadda Hadleen Kacdoonka Dadka Berbera Iyo Is Weerarkii Madaxda

0
26

Berbera (Hubaal) Iyadoo salaasadii todobaadkii hore ay cuqaasha iyo waxgaradka reer Berbera ay yeesheen kulan, isla markaana ay ka soo saareen qayla dhaan xoog leh oo ay ku diidan yihiin qorshayaasha xukuumadda eek u wajahan wareejinta dekedda iyo guud ahaan siyaasadeeda gobolka Saaxil, ayaa waxa la sheegay in Arbacadiina uu ka dhacay magaaladda kulan ay isku hor fadhiisteen masuuliyiinta dawladda ee gobolkaa iyo madaxweyne Siilaanyo.

 fadeexad

Siday sheegeen warar uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo ku dhawdhaw madaxtooyadu, kulankaa waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Marwadiisa Aamina Weris, sadex wasiir iyo wiil qoyska ka tirsan, dhinaca kalena masuuliyiinta dawladda ee gobolkaa ee shirkaa ka qayb galay waxa la sheegay inay ka mid ahaayeen, Gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, Maayarka Berbera Cabdishukuur Ciddin, Maareeyaha Dekedda Cali Xoor xoor, Maareeyaha Haamaha Shidaalka Sheekh Saleebaan iyo xubno kale.

Xogaha wargeyska Ogaal soo gaadhay waxay intaa ku dareen, in kulankaasi daba socday gaddoodkii reer Berbera ee salaasadii, isla markaana ay madaxtooyadu waydiisay masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda ee gobolkaa, sababta wixii dhacay u dhaceen iyo sababta ay uga hor tegi waayeen. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in afarta masuul ee ugu saamaynta badan gobolka Saaxil oo kala ah Gudoomiyaha gobolka, Maayarka, maareeyaha Dekedda iyo Maareeyaha Haamuhu ay isku qabsadeen, iskuna eeddeeyeen madaxweynaha hortiisa, isla markaana aanay jawaab cad ka bixin su,aashaa la sheegay in la waydiiyay. Sida xoguhu iftiimiyeen mid ka mid ah masuuliyiintaa ayaa arrinta kacdoonkaa ku riixay dhinaca wasiirka Qorshaynta Sacad, oo habeenkii salaasadii tagtay soo galaysay kulan su,aalo lagu waydiiyay la yeeshay waxgaradka Berbera. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in Badhasaabka iyo Maayarka oo isku dhinac ahina ay madaxweynaha hortiisa ku eeddeeyeen Maareeyaha Dekedda oo ay u nisbeeyeen dadka isu soo baxay,balse xoguhu waxay tibaaxeen in Cali Xoor Xoor uu iska difaacay eeddayntaa, halka maareeyaha haamaha shidaalkuna la soo weriyay inuu garabka saaray Cali Xoorxoor oo uu ku tiraabay weedho hiil u ahaa, iyadoo uu hore u jiray tuhun loollan awooddeed salka ku hayay oo u dhaxeeyay labada Maareeye.

Is qabsigaa iyo murankaa kadib waxay xoguhu sheegeen, in dib laysugu daray masuuliyiintaa, isla markaana iyagoo ay weheliyaan sadex wasiir loo diray qorshihii ay wax kaga qaban lahaayeen xaaladdaa.Xoguhu waxay intaa ku dareen, in kulan dambe ay yeesheen sadexda wasiir iyo masuuliyiintaa kale saaxil, layskagana lab xaadhay khilaafkaa, isla markaana lagaga wada arrinsaday istaraatiijiyadii ay xukuumaddu dib ugu kasban lahayd dadka deegaankaa.Taasoo sida hadal haynta xogaha Ogaal soo gaadhay u badan yihiin, laga qaadi waayay in la diyaariyo lacag lagu kharash gareeyo dib u daminta kacdoonkaa.

Inkastoo kulankaa is lab xaadhashadu la sheegay inuu dhacay, haddana, waxay xoguhu tibaaxeen in fadhigaa kadib uu is arag kale dhex maray Badhasaabka, Maayarka iyo Maareeyaha Haamaha, kaasoo tebintu u badan tahay inuu dib u huriyay khilaaf ka dhex oogmay Maareeyaha Dekedda iyo ka Haamaha oo wejiyo badan ku jilaya khilaafka. Kulankaasi waxa kale oo uu iftiimiyay jiritaanka ollole la rumaysan yahay inay sadexdoodu isugu kaashadeen, sidii Cali Xoor Xoor iyo madaxtooyadda laysugu dhufan lahaa ee xilka looga qaadi lahaa. Haddii ay taasi suura gashana madaxtooyadu waxay waayaysaa nin wax wayn siyaasiyan u tarayay, marka loo eego khibradiisa shaqo iyo xeeladihiisa siyaasadeed ee aqoonta dhaqanka iyo dabeecadaha dadka deegaankaa. Waxyaabaha ugu waawayn ee la tibaaxayo inay badhasaabka, maayarka iyo maareeyaha haamuhu ku eeddeeyeena waxa ugu wayn Cali wuxuu diidan yahay wareejinta Dekedda.

Dhinaca kale waxgarad iyo Odayaal reer Berbera ah ayaa xoguhu iftiimiyeen inay fariimo ay si dadban ugu gudbiyeen madaxtooyaddu ay sideen   ashkato ka dhan ah Maareeyaha haamaha Sheekh Saleebaan oo lagu tilmaamo nin aqoontiisa maamul iyo hawsha uu hayaa kala durugsan yihiin, isla markaana gacan ku hayntiisa dhabta ah ee haamaha, dadka qaarkood calaamatu su,aal saareen. Badhasaabka gobolka Awdal Fahmi Cabdi Bidaar ayaa isna lagu tilmaamaa inuu yahay, nin aan wax badan kala socon dareenka dadka iyo waxa dhab ahaan ka jira gobolkaa, miisaankii masuuliyadeed ee isku hayn lahaa hay,adaha gobolkuna aanuu ka muuqan.

Wararku waxay intaa raaciyeen, in madaxtooyaddu ay cadho kaga soo laabatay Berbera, isla markaana ay digniin culus u jeedisay masuuliyiinta gobolkaa, taasoo loo dhadhansan karo haddii ay wax ka qaban waayaan arrinta inay xilalkooda waayi karaan. Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire oo lagu tilmaamo nin aan luqunta u foorarin aqbalaada aragtida qaloocan, ayaa isna la tuhunsan yahay inay isa seegeen madaxtooyada, marka loo eeego dhacdadii salaasadii tagtay ee Berbera. Haddii sidaa xilka laga qaadana, waxay falanqeeyayaashu rumaysan yihiin, marka loo eego miisaankiisa dibadda iyo gudahaba inay laf jab ku noqon doonto madaxtooyada.Hase ahaatee marka laga tago xogahaa, ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay dhinacyadaasi.

source:ogaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here