“…Fadhigayagii Maanta ee Saddexda Xisbi Qaran Waxa Aanu Ku Heshiinnay In waxba Aan Lagu Heshiin” – Daawo Faysal Cali Waraabe

0
46

“…Fadhigayagii Maanta ee Saddexda Xisbi Qaran Waxa Aanu Ku Heshiinnay In waxba Aan Lagu Heshiin” – Daawo Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Saxaafadda la hadlay Maanta markii laga soo baxay Kulan ay wada yeesheen Hoggaanka Saddexda Xisbi ee Somaliland oo Hargeysa tan iyo shalay kaga shirayey in doorashada Madaxtooyada waqtigeeda 28-ka Maarso 2017-ka la qabto iyo in dib loo dhigo maaddaama oo ay Abaar adagi dalka ka jirto, ayaa sheegay inaanay waxba ku heshiinnin.

Faysal Cali Waraabe oo si damqasho badan uga hadlay duruufta adag ee abaarta iyo sida loogu baahan yahay in muddada doorashada dib loo dhigo oo loo gurmado bulshada Abaaraha baahsani ku saameeyeen Somaliland, sida ay hore u soo jeediyeen labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID, halka uu Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye soo jeediyey in la bilaabo qaybinta Kaadhadhka cod-bixinta oo doorashada wakhtigeeda lagu qabto, kaasoo aan weli mawqifkiisa ka soo dabcin ee taagan in hawsha qabashada doorashada loo daayo Guddiga doorashada; sida uu sheegay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo isna maanta Warbaahinta la hadlay.

Haddaba, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya arrimaha doorashada, Abaaraha jira, waxa loo baahan yahay, sida ay u jaban tahay doodda Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda Siilaanyo iyo go’aanka loo baahan yahay in la isla qaato xilligan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-


vlcsnap-2017-01-10-18h58m44s060

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here