Fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiillada Oo Laga Akhriyey Go’aamo Uu La Taliyahooda Sharcigu Ka Gaadhay Mooshinkii Ka Dhanka Dawladaha

0
25

“la taliyaha sharcigu wuu soo celiyey Mooshinkii la keenay kal-fadhigii hore Ee ku saabsannaa xeer Lr. 33/2002 ee dawladaha hoose, Waxaanu….” – Gudoomiye Baashe

“kadib markii aan dhuuxay xeer hoosaadka golaha wakiillada ee tirada xildhibaannada mooshinka keeni kara, Mudanayaashu waxay xaq u leeyihiin inay  u soo gudbiyaan shirgudoonka”-

 

Hargeysa(Hubaal):-Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa lagu war geliyey jawaab celin uu la taliyaha sharciga ee golahaasi ka keenay mooshin ka dhan ahaa dawladaha hoose oo ay xildhibaano soo gudbiyeen. Fadhiga shalay ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Baashe Maxamed Faaarax,   ayaa waxa uu xildhibaanada u sheegay in jawaab la xidhiidha mooshinkii ka dhanka ahaa dawladaha hoose ay ka timid la taliyaha sharciga ee golaha. Gudoomiye Baashe oo ka hadlaya jawaabta soo gaadhay ayaa waxa uu yidhi “Mooshinkii la keenay kal fadhigii hore oo ku saabsan xeer Lr 33/2002 ee dawladaha hoose, la taliyaha sharcigu wuu soo celiyey.”

Xoghaha guud ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa soo bandhigay jawaabta la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada, waxaanu yidhi “Mudanayaashu waxay xaq u leeyihiin codsi mooshin una soo gudbiyaan shir gudoonka, ka dib markii aan dhuuxay faqrada 8aad ee qodobka 42aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer Lr 12/2014 oo u dhigan sidan, tirada xildhibaanada mooshinka keeni karaa waa inaanay ka yaraan 7 xildhibaan.”

Xoghayaha golaha wakiilada oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “ ka dib markii aan akhriyey qodobka 43aad faqradiisa 3aad xarafkiisa B ee xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer Lr 12/2014 oo jidaynaya habka codsiga iyo noocyada Mooshin isla markaana u dhigan sidan: “Faqrada 3aad: Mooshin ku saabsan kaabis iyo wax ka bedal mashruuc sharci ama kaabis mooshin”.

Haddaba annaga oo tixraacayna qodobaa 42aad, faqrada 4aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer Lr 12/2014 oo u dhigan sidan: Mooshinka waxa loo soo gudbinayaa la taliyaha sharciga si uu u hubiyo inuu mooshinkaas waafaqsan yahay xeer hoosaadka iyo dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,  sidaas darteed waxaanu xaqiiqsanay in mooshinka ay soo gudbiyeen waafaqsan yahay xeer hoosaadka golaha wakiilada xeer Lr 12/2014 isla markaana waxaanu ku talo bixinaynaa in mooshinkaas loo gudbiyo gole waynaha si uu uga guto waajibaadka sharciga ah”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here